Mashruuca waddada 150-ka ee magaalada Hargeysa baddi ku wareegta waa in aan loo soo bandhigin sidii “jid la dhisayo” oo keliya, balse loo bandhigo mashruuc kobcinaya dhaqaalaha magaalada, shaqo-abuurka, caafimaadka bulshada, horumarinaya dhalinyarada, ganacsiga, iyo casriyeynta Hargeysa.

Bangiyada horumarinta Afrika sida African Development Bank, Islamic Development Bank, Afreximbanka iyo Baanka Adduunku waxay u badan tahay inay maalgelinayaan mashruucan sababtoo ah waxay si gaar ah u taageeraan mashaariicda leh saamaynta balaadhan ee jidkani leeyahay oo kale.

Bangiyadani ma maalgelinayaan “waddo” oo keliya. Waxay maalgelinayaan, barnaamijyada saamayn toos ah ku leh:

* Shaqo-abuurka dhalinyarada
* Horumarinta magaalooyinka casriga ah
* Kaabeyaasha dhaqaalaha
* Ganacsiga iyo isku socodka
* Horumarka bulshada
* Isbeddelka iyo koboca dhaqaalaha

Haddii mashruuca si xirfad leh loo diyaariyo, Hargeysa waxay heli kartaa taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Laakiin maalgelintu waxay u baahan tahay kalsooni iyo qorsheyn. Dowladda hoose waa inay diyaarisaa daraasad dhamaystiran oo muujinaysa faa’iidooyinka mashruuca, saameynta dhaqaale, tirada shaqooyinka uu abuuri karo, iyo sida uu u horumarin karo magaalada iyadoo la adeegsanayo khubarada dunnida ee khibradda u leh hay’adaha dhaqaalaha bixiya iyo kuwa galaangal ka u leh hababka loo ururiyo qaadhaanada horumarineed ee xidhiidhada leh. Waxaa sidoo kale muhiim ah in mashruucu yeesho hufnaan, isla xisaabtan, iyo hannaan maamul oo lagu kalsoonaan karo. Maalgashadayaashu waxay lacag geliyaan meel ay ku arkaan hoggaan iyo nidaam wanaagsan.

Magaalooyinka casriga ahi waxay ku dhismaan aragti, qorsheyn, iyo hoggaan ku dhiirrada mustaqbalka – yaan la cabsan. Tixgelin.

Abdirashid Ibrahim Abdirahman