Waaxda Pentagonka ee Maraykanka ayaa soo saartay digniin ku saabsan masiibo deegaan oo ka dhalan karta saliid ka qubanaysa Markab nooca shidaalka qaada ah oo ku gubanaya badda cas ka dib weerar ay ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen.

Markabkan oo lagu magacaabo Sounion, uuna ka dul babanayo calanka dalka Giriiga ayaa tan iyo todobaadkii ku gubanaya xeebaha dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay hadlay Pentagonka oo lagu magacaabo Patrick Ryder, ayaa sheegay in marakiibtii loo diray markabka si ay u badbaadiyaan ay Xuutiyiinku ugu hanjabeen inay weerarayaan.

Markabka ayaa sida in ka badan 150,000 oo tan – ama hal milyan oo fuusto – oo saliid ceyriin ah, Haddii saliidu si caadi u daadatana waxaa laga cabsi qabaa inay ka mid noqoto musiibadii ugu weynayd ee markab ee taariikhda la diiwaan geliyo.

“Waxaan la soconayaa in dhinacyo saddexaad ay isku deyeen inay markabka u direen laba markab oo kuwa jiidah ah si ay uga qayb-qaataan badbaadinta, balse waxaa ka digay Xuutiyiinta oo ku hanjabay in la soo weerari doono, taasoo mar kale caddaynaysa inay si cad u ixtiraami waayeen nolosha bini’aadamka, balse sidoo kale waxay ku tusinaysaa masiibada deegaanka ee iman karta waqtigan”ayuu yiri Ryder.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa gacanta ku haya inta badan dalka Yemen, waxaan muddadii 10-ka bilood ee la soo dhaafay ay kooxdu weerarreen maraakiib ganacsi oo adeegsaysay marin biyoodka badda.

Xuutiyiinta ayaa la rumaysan tahay in weeraradaas ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ka dib colaadda Qasa, waayna ku andacoodeen inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil , Mareykanka iyo UK.

Intaas hore waxay kooxdu qaadatay magacyo kala duwan ilaa aakhirkii qaadatay oo ay si rasmi ah ula baxday “Xuuthiyiinta”.

Zaydiyiintu waxay Yemen xukumayeen taariikhda badan ilaa intii laga tuuray taliskii Imaamkoodii ee waqooyiga Yemen sanadkii 1962-kii.

Sacda oo ah magaalo ku taalla waqooyiga galbeed ee Yemen, Xuutiyiinta waxay dowladda dhexe ka fogeeyeen gacan ku haynteeda iyagoo dadka deegaanka go’doomintaas ka dib ay isku tashadeen samaysteenna in iyagu ismaamulaan

Cilmi baadhe Ingiriis ah oo arrimaha Yemen ku takhasusay oo lagu magacaabo Sheila Weir, ayaa aaminsan in sababta kale ee Xuutiyiinta Yemen usoo baxeen ay tahay fiditaanka kooxaha Salafiga iyo Wahaabiyada oo saamayn ku leeyihiin dalkaasi ay sii korortay.

 

 

 

 

Bbcsomali