Masuul ka Tirsan xisbiga WADDANI oo Ku Eedeeyay Wasiirka Gaashaan-dhiga

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada xisbiga WADDANI Cavdirashiid Cabdi Jaamac ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashasndhiga Somaliland inuu qori dab leh kula dhex wareegaya dadka walaalaha ah ee wada degan gobolka Selel.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu baahiyay oo u dhignaa sidan:-

” Wasiirka gaashaandhiga ee Qoriga dabka ah kula dhex wareegaya dadka walaalaha ah ee wada dagan gobolka Salel, Muuse Biixi ama uu la xisaabtami ama way iska cadaan doontaa in uu la ogyahay

Maanta dagaal ka dhex dhaca dadka walaalaha ah ee ab iyo isir is dhalay ee ilaahay meesha wada dhigay dagaal diyaar uma aha. cid walba oo dagaal iyo colaad ku baaqaysana wanaag uma soo wadaan dadka iyo deegaankaba.

Waxaynu ognahay colaadii gobolada Bari laga kiciyay iyo halka ay marayso, ha ka waantoobaan dhabar taabashada iyo isku dirka dad walaalaha laga dhex wado iyo cida wadaba.

Haddii, Muuse Biixi iyo kooxdiisu cimri dherer ay ka raadinayaan colaad ay gobolada galbeedka Somaliland ka dhex ridaan, ha ogaadaan inaanay suurto gal ka ahayn oo ay wakhtiga iska ridayaan.

Maanta nabad iyo midnimo ayaa loo baahan yahay, looma baahna in wasiirrada xukuumadu ay reeraha abaabulaan, oo daasad shaydaan u tumaan aynu ognahay dhaxalka ay reebi doonto.

Waxa aan ugu baaqayaa shacabka gobolka Salel in ay gartaan muhiimada ay nabadu u leedahay dhexdooda, oo ay ka taxadaraan gacmo shisheeye in ay soo kala dhex galaan.”