Maxaa kaaga Baxay khudbaddii Maxamuud Xaashi?
W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Wuxuu toos ula saftay Turkiga, Sucuudiga, Qadar, Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti. Nuxurku wuxuu yahay diidmo Safaaradda Qudus ee Soomaalilaan oo loogu soo daba-gabbanayo ictiraaf diid. Dalalkaasi waxa ay heleen fursad ay gudaha Soomaalilaan kula dagaalamaan ictiraafkii Israa’iil.

= Wuxuu waddo u furay shakhsiyaad iyo kooxda Ictisaam oo fursad u raadinayey inay helaan xisbi mucaarad oo gudaha Soomaalilaan ku taageera diidmada ictiraafka, iyada oo waddo laga dhiganayo Qudus.

= Wuxuu colaad aan loo baahnayn oo saameyn ku yeelan karta mustaqalkiisa siyaasadeed ugu badheedhay xulufada Imaraadka, Israa’iil, Maraykanka iyo Taywaan.

= Wuxuu taageero ka raadinaayey deeganada Madaxweyne Muuse Biixi. Markuu Muuse Biixi ammaanay, wuxuu isku dayey inuu soo celiyo jeegaantii H/J iyo H /A. taageerayaashii Madaxweyne Biixi ayuu taageero ka raadinaayey.

= Khudbad gole ka fool ah oo cadho weyni ka muuqato ayuu jeediyey. Berrigii hore wuxuu si weyn u dhaliili jiray madaxda gole ka fuulka iyo caaddifadda ku khudbadaysa, laakiin isagii ayaa tii sameeyey.