MAXAA MAWDKA KA DANBEEYA.

Binu aadmigu geerida ma jecla hadday meel yari ku xanuunto dhaqtarbaad ku cararaysaa, adduunyadu waa waddo la marayo way dhammaataa wadadu, adduunyada dadkii inaga horreeyay way ka tageen innaguna waynu ka tegaynaa ee Maxaa mawdka ka danbeeya,? waxa ka danbeeyaa waa ilaahay oo lays hortaago xisaabtiisa waxa ku xigaa waa janno iyo cadaab.dadyahaw waxa kuugu dhawi waa mawd waxaad ku jirtaana waa rajo fooqyo dhaadheer oo aad dhisato, xaas qurux badan iyo caruur.

Adduunyada inta nool waxa ka badan inta dhimatay ee hoosteeda joogta, walaalayaal maxaynu u arki weynay dadkan dhinaceena jiifa ee shalay innala noolaa maantana xabaalaha ku jira, waa laynna xisaabinayaa waa kasta oo berya daqiiqad kasta oo ku dhaaftay waxaad qabanaysay shar iyo khayr adoo ilaahay hortiisa taagan ayaa lagu weydiinayaa, ilaahay wuxuu leeyay dadka xisaabtu way ku dhawday iyana waa qaafiliin, Kuwa ilaahay ka gaalioobay daahirka noloshay garanayaan.

Fekerkeenii wuxuu noqday halkaas Maxaa iigu jira maxaan helayaa maxaan haystaa. Ilaahay wuxuu innoo abuurtay xaqiisa oo la raaco ee xumaanta hallaga fogaado.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.