Liz Truss ayaa iska casishay xilkii raysal wasaarenimo ee Ingiriiska, kadib lix toddobaad oo ay xilkaasi haysay.

Wax ka ogow Liz Truss iyo sababaha ay isu casishay

Waa raysal wasaarihii ugu mudada gaabnaa ee taariikhda UK.

Liz Truss ayaa badashay raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson, lixdii bishii September, xilkaas oo ay iska casishay 45 maalmood.

Horey waxaa u dhacday in 119 maalmood uu xilka hayay George Canning, kaasi oo xafiiska ku geeriyooday sanadkii1827.

Durba waxay la kulantay dhibaatooyin

Tageeradeeda wasiirka maaliyadda, Kwasi Kwarteng oo soo bandhigay canshuur dhimis gaaraysa 45 bilyan, toddobadakii saddexaad ayaa keentay qalalasaase siyaasadeed oo dhanka dhaqaalaha ah. Waxaa loo jeediyay eedaymo dhaqaale xumo oo culus, waxayse ay ku adkeysatay in tallaabadaasi ay qaadday ay sax ahayd. Mar dambe ayaa tallaabadaas laga noqday xilkana laga eryay wasiirkii maaliyadda.

Qaar ka mid ah xildhibaanadeeda ayaa bilaabay inay si cad u dhaleeceeyaan

Tiro badan oo ka mid ah xildhibaannada muxaafidka ah ayaa ugu baaqay in ay is casisho, iyadoo arrimaha taagan dartood ay isku icasishay Xoghayihii Arimaha Gudaha Suella Braverman. Waxay ku qasbanaatay inay shaqaaleysiiso kooxdii ay xafiiltameen ee Grant Shapps iyo Jeremy Hunt si ay u daboosho dhibaatooyinka hareeyay xisbiga gudihiisa.

Waxay sheegtay in aysan fulin karin ballan qaadyadii ay horey u sameysay

Khudbadda iscasilaadeeda ku saabsaneed ee bannaanka xafiiska Downing Street, ay ka jeedisay waxay ku sheegtay: “Waan garwaaqsanahay inaanan qaban karin wixii la ii igmaday ee xisbiga muxaafidka ah ii doortay.”

Tartankii ay ku noqotay ra’’isul wasaaraha waxay kaga adkaatay Rishi Sunak

Kaliya xildhibaanada muxaafidka ah iyo xubnaha xisbiga ayaa u codeeyay inay hogaamiye noqto. Sunak ayaa kaga horeyay codadkii xildhibaanada laakiin codbixintii ugu dambeysay ee xubnaha in ka badan 80,000 ayaa u codeysay, taasi oo horseedday guusheeda.

Liz Truss, ayaa xilka sii hayn doonta tan iyo inta laga daroonayo ciddii iyada badali lahayd.

Waxay noqotay raysal wasaarihii ugu dambeyay ee ay magacowday boqoraddii Queen Elizabeth II

Boqoraddii Elizabeth II ayaa Liz Truss magacowday ka hor intaaney dhiman, iyadoo hoggaankeeda ku bilowday 10 maalmood oo baroordiiq ah.

Waxay ahayd dhaqaale-yahan

Markii ay jaamacadda dhameysay waxay ka shaqeyn jirtay shirkadaha Shell iyo Cable & Wireless, waxayna guursatay sanadkii 2000, nin bartay cilmiga xisaabta oo la yiraahdo Hugh O’Leary. Waxay haystaan laba gabdhood waxayna degganyihiin Thetford, Norfolk ee dalka Uk.