Sida Muuqata Inta Badan Hoggaankii U Sarreeyay Xisbiga KAAH, Wuu Ka Soo Horjeestay Hindisaha Guddoomiyaha Xisbiga KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi, Hindisahaas Oo Ahaa Innuu Kala Tuuro Ama Uu Ka Soo Horjeesto Citiraafka Somaliland Ka Heshay Beesha Caalamka, Gaar Ahaan Dawlada Isreal,
Mohamed Jama Liban Oo Ah Guddoomiye-kuxigeenka Xisbiga KAAH Ayaa Si Cad Ganafka Ugu Dhuftay Hindisaha Go’aanka Maxamuud Xaashi, Waxaannu Sheegay In Citiraafka Somaliland Heshay Uu Yahay Shay-lama-taabtaan Ah, Oo Aan Marnaba Su’aal La Galin-karin,
Halka Iyaduna Sucaad Carmiye Oo Ah Hoggaanka Ugu Awoodda Badan Ee Xisbiga KAAH Ayaa Sheegtay In Citiraafku Yahay Nolosha Ummaddani Raadinaysay Muddo 34-sanno Ah, Isla-markaana Ay Immika Heshay, Markaa Waxa Weeye, ” Maaha In Ummadda Jiritaankooda Qarannimo Iyo Citiraafkooda Buuq Iyo Sawaxan Lagaga Furo, Waayo Halkaasi Waa Naftii Iyo Ruuxdii Ummaddani Lahayd”
Dhinaca Kale Isna Waxa Jiray sidaad la socoteen Guddoomiye-kuxigeen Jamal Aden Diriye Innuu Diiday Go’aanka Maxamuud Xaashi Ee Uu Citiraafka Kaga Hor-yimid, Isla-markiibana Maxamuud Xaashi Uu Habeen Saq-dhexe Ah Uu Warqad Eri Ah U Qoray Guddoomiye-kuxigeenkii Dhammaayee Hoggaanka Xisbiga Ka Midka Ahaa.
Haddaba, waxa jira warar isa-soo tqraaya oo sheegaaya in Xisbigii curdinka Ahaayee KAAH In Khilaaf wayn Oo Salka Ku Haya Qaddiyada JSL Ee Uu Ka Horyimi Guddoomiyaha Xisbigaasi Uu Immika Cirkaa Maraayo Oo Loo Kala Fadhiyo Koox-koox, Halka Uu Ku Dambayn-doonna Aynnu Ogaan-doono Dharaaraha Innagu Soo Fool Leh Haddii Alle Idmo,
Su’aashuse Waxay Tahay Maxamuud Xaashi Guddoomiye-kuxigeen Maxamed Jaamac Liibaan Iyo Sucaad Carmiye Iyagana Muu Eryi, Mise……..❓️Isha Allaah Waynu La Socon Dhaq-dhaqaaqa Meeshaas Ka Socda”
Cabdiraxmaan Ahmed





