Kiniinnada nooca loo yaqaanno Atogepant, kuwaas oo dhowaan caan ku noqday hababka daawaynta iyo ka hortagga madax xanuunka maygariinka oo ay soomaalidu u taqaanno Goon-jabka, ayaa laga hirgeliyay Adeegyada Caafimaadka Qaranka (NHS) ee gudaha Ingiriiska.

Daawadii ugu horreysay ee afka laga qaato ee loo isticmaalo daawaynta iyo ka hortagga madax xanuunka daba-dheeraada iyo xanuunka Goon-jabka ayaa la filayaa in dhawaan la siiyo bukaannada.

Khubarrada caafimaadku waxay sheegeen in ku dhawaad 170 kun oo qof oo gudaha dalkaasi ku nool ay ka faa’iidaysan karaan habkan cusub ee daawaynta.

Xanuunka loo yaqaanno Goon-jabka waxa uu la soo baxaa madax xanuun aad u daran waxana uu qofka ku adkayn karaa in uu sameeyo hawl maalmeedka inta lagu jiro xilliga shaqada.

Mid ka mid ah toddobadii qof ee adduunka oo dhan ayaa qaba xanuunka Migraine-ka ama Goon-jabka.

Xilliyada xanuunka ee la dareemo wax ka yar 15 maalmood bishii waxaa loo yaqaannaa migraine episodic. Xilliyada xanuunka ee soconaya in ka badan 15 maalmood bishiiba waxaa Iyana lagu qeexay madax xanuunka Migraine-ka.

Daawada cusub waxaa lagula talinayaa kuwa aan dhibaato ku qabin dawooyinka kale ama aan la siin karin cirbadda.

NICE (National Institute for Health and Care Excellence), oo ah hay’ad ilaalisa daweynta kana howlgasha England, ayaa ku talisay in dawada, oo la ogaaday ay wax ku ool u leedahay dadka waaweyn qaarkood inta lagu jiro xilliga tijaabada, iyo in loo isticmaalo Adeegyada Caafimaadka Qaranka.

Madax xanuunka Goon0jabka waxa caadiyan lagu tilmaamaa inuu yahay xanuun ku dhaca dhinaca madaxa wuxuuna socon karaa dhawr maalmood. Calaamadaha kale ee la dareemo waxaa kamid ah daal, dareenka iftiinka iyo dhawaaqa hadalka oo ku dhiba.

Lama oga inta qof ee la ildaran xanuunka Migraine-ka, laakiin marka loo eego NHS-ta, waxaa gudaha UK ku nool ku dhawaad 6 milyan oo qof oo qaba xanuunkan Goon-jabka.

Dumarku waxay aad ugu nugul yihiin Goon-jabka marka loo eego ragga.

Daawooyinka nooca loo yaqaanno Atogepant waxay bixin karaan daaweyn ka hortag ah oo loogu talagalay xanuunka Goon-jabka dabadheeraada iyo madax xanuunka isna loo yaqaanno episodic.

Inkasta oo xarumaha caafimaad qaarkood ay u arkaan horumarka daawadan “tallaabo wanaagsan”, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in dad badan ay ku adag tahay helitaanka daawooyinka cusub.

Sababaha tani waa iyadoo daawadu aysan si fiican u garaneynin dhakhaatiirta iyo in ay jiraan liisaska sugitaanka ee dheer ee helitaanka dhakhaatiirta takhasuska leh.

Daawooyinka loo yaqaan “Gepant” kooxda ayaa la tijaabiyay dhowr sano laakiin weli lama gelin isticmaalka baahsan. Atogepant waa mid ka mid ah.

Sida laga soo xigtay cilmi-baaris, kiimikaad maskaxda ku jirta oo la yiraahdo calcitonin gene-related peptide (CGRP) waxay door ka ciyaartaa xanuunka iyo dareenka iftiinka labadaba.

Atogepant, oo ah nooc cusub oo dawooyinka lidka ku ah CGRP, ayaa si gaar ah loogu talagalay daawaynta Goon-jabka.

Waxa kale oo la xusay in dawooyinka jiilka cusub ay leeyihiin waxyeellooyin ka yar hababkii daawaynta ee hore.

Rimegepant, oo la mid ah atogepant, ayaa sidoo kale la siiyay bukaannada qaar ee England iyo Scotland.

Deborah Sloan oo ka socota Brighton ayaa ka mid ah kuwa qaatay dawadan. Iyadoo khibradeeda u sharraxaysa BBC-da, Sloan waxay sheegtay in ka dib markii ay la il darnayd xanuunka Migraine-ka ee daba dheeraaday muddo 40 sano ah, nolosheeda ayaa ku soo noqotay caadi iyada oo ay uga mahadcelinayso dawooyinka.

Deborah Sloan waxa ku kacay xanuunka Goon-jabka qiyaastii 20 maalmood bishii waxana ay shaqada ka tagtay laba jeer caafimaadkeeda awgeed.

bbcsomali