
Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa maanta goob-joog ka ahaa xidhitaanka iyo ansixinta Xeerka Nidaamiyaha Maaraynta Qashinka Adag, kaas oo muhiim u ah hagaajinta iyo nidaaminta maaraynta qashinka magaalada.
Kulanka oo ka qabsoomay Hotel Serene Sarovar Premiere Hargeysa, ayaa muddo wada-tashi iyo diyaar-garow ah kadib lagu soo gunaanaday xeerka, waxaana ka qayb-galay Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL, Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Hay’adda DT Global.
Xeerkan ayaa muhiimad gaar ah u leh hagaajinta nadaafadda, nidaaminta maaraynta qashinka, ilaalinta bilicda magaalada iyo kor u qaadista adeegyada nadaafadda ee loo fidiyo bulshada reer Hargeysa.
Duqa Caasimadda ayaa munaasabadda ka qayb-galkiisa ku muujiyey sida ay Dawladda Hoose ee Hargeysa uga go’an tahay xoojinta nadaafadda iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo lagu maareeyo qashinka magaalada. Dowladda Hoose iyo DT Global waxay hore uga wada shaqeeyeen arrimo la xidhiidha horumarinta magaalooyinka iyo maaraynta qashinka.





