MUCJISOOYINKII NEBI MOHAMAD SCW WARBAAHINTU DADKA HA GAADHSIISO.

NEBI. Maxamad SCWS waa qofkii ugu cajiibsanaa ee soo maray kawnkan aynu ku noolnay guudkiisa (khayrukhalqilaahi) wuxuu ahaa geesi aan awooddiisa ku muquunin dadka oo wanaaggiisa ku hanta, wuxuu ahaa deeqsi gurigiisa cuntaduu u sii sido dhexda ku siiya dad baahan, wuxuu ahaa qof Weji debecsan oo ummadda isu dhuldhiga wuxuu nebcaa kibirka iyo islaweynida, muu aqoon cabsi aan ta ilaahay ahayn weligiina cid dhibaataysay kamuu aargoosan.

Nibi maxamad SCWS ilaahay buuraha oo uu dahab uga dhigo wuxuu ka doortay faro madhnaan, wuxuu lahaa iimaan aanay baahidu karin oo adkaysi badan.

NEBI.Maxamad scw wuxuu ahaa qofkii ugu dulqaadka badnaa ee soo mara adduunka, nin gaal ah ayaa salaadda hore saxaro (uf ama ban) u hor dhigi jiray guriga nebigu saxarada wuu iska tuuri jiray ninkana waxba muu odhan jirin nebigii SCWS wuxuu gurigiisa saddex casho ka hor waayay saxaradii uu gaalku hor dhigi jiray dabadeed gaalkii ayuu is yidhi waakan hadyaddii (saxaradii) saddex casho la maqane malaa ninkii wuu xanuunsadaye raadi wuxuu tegay gurigiisii gaalkii oo buka.

NEBI. Maxamad scw gaalkii wuxuu ku yidhi waan iska gartay markaan hadyaddii kaa waayay inaad xanuunsatay ee ilaahay haku shaafiyo, ninkii gaalka ahaa isagoo arggagaxsan ayuu halkii ku muslimay sidaas awgeed tallaabooyinka aynu qaadaynno waa inaynu wanaagga kula tacaallo iyo samirka warbaahinteenna maxaa u diiday mucjisooyinkii nebi maxamad SCWS inay dadka gaadhsiiso.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.