Musharaxa xisbiga Waddani dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray gudiga doorashooyin qaranka.

Qoraal kooban oo uu baahiyay oo ku qornaa Af Ingiriisi, oonu idiin turjunay waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaa komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta ku dhawaaqay wakhtiga la wada sugayo ee la wada sugayo ee doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada siyaasada, kuwaas oo loo muddeeyay inay qabsoomaan 13-ka bisha November 2024-ka.

Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyada iyo shacabka Somaliland.