Musharraxiinta Doorashada Kenya oo siyaabo yaab leh ku soo jiidanaya codbixiyeyaasha

Siyaasiyiinta ayaa doonaya inay soo jiitaan codbixiyeyaasha

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa ka soo tegay hab-nololeedkoodii raaxada lahaa intii ay ku jireen ololaha doorashada, iyagoo u soo jeestay dhaqidda suuliyada, jarjaridda khudaarta iyo karinta shaaha si ay u soo jiitaan codbixiyeyaasha doorashada la filayo inay qabsoonto 9-ka bishan August.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta madadaaliyay dadka Kenyaanka ah waa Polycarp Igathe, oo xirtay dharka nadaafadda kaddibna bilaabay dhaqidda suuliyada ku yaalla caasimadda, Nairobi.

In ka yar 20 ilbiriqsi ayuu ku qaatay xaaqidda suuliga, iyadoo dadkii ka shaqeynayay nadaafadda ay si la yaab leh u eegayeen. “Muddo dheerba waxaa loo aqoonsanaa shaqo uskag leh balse waa shaqo mas’uuliyad leh,” ayuu yiri Igathe.

Dadka dhaqa suuliyada ee ku nool magaalada ayaa aalaaba isticmaala iskoobbe duug ah iyo baaldiyaal si ay u dhaqaan suuliyo wasakh ah oo soo uraya.

Mr Igathe – oo u tartamaya barasaabka Nairobi – ayaa sidoo kale sawirro laga qaaday isagoo dhaqaya gawaari, muusik tumaya isla markaana ka adeegaya goobaha lagu caweeyo ee magaalada.

Ficilladiisa ayaa soo jiitay dadka qaar oo ku maadeysanayay, qaarkood ayaa kula taliyay inuu carruurta la hayo isla markaana shaqooyinka guriga qaarkood uu la qabto.

Mr Igathe wuxuu ahaa ku xigeenka barasaabka maamulkii Mike Sonko, balse sanad ka yar ayuu isaga casilay kaddib markii uu waayay kalsoonida barasaabka.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in ficilladan lagu yaqanano xilliyada doorashada isla markaana laga yaabo inaysan saameyn codbixiyeyaasha.

Ninka ay aadka u loollamayaan Mr Igathe waa sanatarka Nairobi Johnson Sakaja.

Isaga qudhiisa kama uusan xishoon shaqooyinkan oo kale, waxaa la arkayay isagoo waddada hareerteeda ka iibsanaya kalliin, iyo yaanyo iyo basal suuqyada intii uu ka iibsan lahaa supermarket-yada.

Sakaja ayaa haatan ah sanator-ka Nairobi

Mr Sakaja ayaa ahaa sanator-ka Nairobi tan iyo sanadkii 2017 waana markii ugu horreysay ee uu isku dayo inuu u tartamo xilkan.

Anne Wambui oo ka mid ah dadka ku nool Nairobi ayaa sheegtay in siyaasiyiinta aysan aqoon halka ay ku yaallaan suuqyada ilaa marka la gaaro ololaha.

“Waxaan la daalaa dhacaynaa nolosha magaaladan haddana qof ka dukaameysta meelaha qaaliga ah ayaa imaanaya isagoo iska dhigaya inuu ina fahmayo marka ay doonayaan codkeenna,” ayay u sheegtay BBC-da

Xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa ayaa isna isku dayayay inuu codbixiyeyaasha ku soo jiito isagoo kaxaynaya mootooyinka dadweynaha, isagoo meel iska dhigay gaarigiisa raaxada.

Wuxuu sidoo kale koray gaari gacan la kor saaray gaarigiisa. Gaarigacanku waa calaamadda xisbigiisa waxaana loo adeegsanayay in cod looga raadsado dhalinyarada Kenyaanka ah.

Gaari gacanka ayaa calaamad u ah xisbiga xildhibaan Barasa

Mr Barasa ayaa sidoo kale laga qaaday sawir isagoo dadka deegaanka shaah kula cabaya hoteel carshaan ah.

Sawirrada kale ayaa muujinaya isagoo shaah u karinaya haweeney carmal ah oo 67 jir ah laguna magacaabo albeit isagoo weli xiran kabihiisa qaaliga ah.

Wuxuu weli xirnaa kabihiisa qaaliga ah

Qof walba kuma taageerin ficilladan, isagoo cambaareynno kala kulmay baraha bulshada.

Senator hore Boni Khalwale oo weli u taagan deegaanka Kakamega, galbeedka Kenya, ayaa doonayay inuu isa soo saaro isagoo dadka deegaanka la fadhiistay waddada dhinaceeda.

Wuu la fadhiistay isagoo cunaya sabuul inta looga caseynayo kabaha.

Waxaa la arkayay isagoo sabuul cunaya

Wuxuu sawirka cinwaan uga dhigay “Kazi ni Kazi”, oo ah weedh Sawaaxili ah oo la micno ah “Shaqo walba waa muhiim”.

Ficilka Khalwale ayaa sidoo kale ka careysiiyay dadka qaar oo baraha bulshada isticmaala, mar kale ayay sheegeen in arrimahan aysan mar walba shaqeyn.

Xildhibaanka Galbeedka Embakasi George Theuri ayaa sidoo kale bartiisa soo dhigay sawir isagoo caga cad ku lugeynaya waddooyinka isagoo cinwaan uga dhigay: “Anigoo jecleysanaya xilli walba oo aan xaafadaha deriskeyga ku qaatay”.

Mr Theuri ayaa sidoo kale xirtay surwaal gaaban taas oo mid ka mid ah dadka ku taageera baraha bulshada uu kaga jawaabay, “Waa doqonnimo in la rumeysto siyaasiyiinta noocan ah.

“Shab bilood kahor senator Isaac Mwaura wuxuu oggolaanshaha xisbigiisa ee inuu xildhibaan ka noqdo Nairobi ku helay isagoo ganacsatada yaryar ka caawinaya jarjaridda khudaarta.

Mwaura ayaa la arkayay isagoo khudaar jarjaraya

Mr Mwaura ayaa sheegay inuu isku dayaya inuu fahmao dhibta ay maraan dhammaanba ganacsatada yaryar ee deegaankiisa Ruiru ee caasimadda.

“Waxaa murugo ah… ma ogid in mama iyo baba mboga [ganacsatada khudaarta] ay jireen ilaa hadda.

Waxay qaadatay sanadkan doorashada in lagu baraarugo xaqiiqdan,” mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada.