Muuse Biixi Shaaciyay Inay Somaliland Tagi Doonto Xadkii Ingiriisku Dhigay
Burco(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ciidanka Somaliland gaadho xadkii uu Ingiriisku dhigay.
Madaxweynaha oo ka hadlayay shirweynaha xisbiga KULMIYE, ee Burco ka socda, ayaa sheegay in Somaliland ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba ay ku difaacayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin in la gaadho xadkii uu Ingiriisku dhigay.
Waxaanu yidhi.”Somaliland ama mucaarad ahow ama muxaafad, waxa inoo balan ah in xadkii Ingiriisku dhigay aynu gaadhno, sida ayay xukuumadaha Somaliland ku shaqaynayaan”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ku soo duushay gobol Somaliland ka mid ah, isla markaana ay is difaacayaan.