Amuurta Laascaanood weli si gurracan buu Muuse u maamulayaa, waana badheedh ee ma aha faham darro. Saladiintii uu diraayay, inta aanay dhaqaaqin ka hor buu doorkooda fashiliyay – ilmihii ka hor inta aanu dhalanin buu dhintay. Nin weyn oo wax aan jirin dadka is la soo hor taagay, oo daqiiqado gudahood ku fashilmay, wax la gu micneeyo runtii cidi ma garanayso. Nin weyn oo hadal ka dahcay waa geed qolofi ka dahcday baa la odhan jiray, laakiin geedka weyni haddii aanu marka hore qolof ba lahayn, maxaa la odhanayaa? Hadii aan fartiisa aqaanno, Muuse wuxu is lahaa Garaadada beesha Dhulbahante shaki ka la dhex geli, sidaas baanu hawada u mariyay warka ah in ay Garaadadii qarkood is maqleen oo wax is la garteen. Is la sababtaas darteed, ayuu Garaad Jaamac oo ahaa ka Somaliland u gu dhow, la na tuhmi karaayay, u gu degdegay in uu khuraafadka Muuse ka dhigo dambas dabayli ku dhacday. Dadka qaar uun baa ogaa, intii kale na waa ogaatay, Muuse in aanu lahayn dhaqan madaxweyne, hadal madaxweyne iyo talo madaxweyne toona.
Waxa Qoray:-
Maxamed Haaruun Biixi