Nin mayd ah ayaa laga helay meel xabaalo ah ahaan jiray oo banaan kuna yaala bariga Hargeisa gaar ahaan xabaalaha dhanka ku haya dukaanka dhismaha ee ay leedahay shirkada Shaafaci isla markaana ka soo hor jeeda cisbatalka Amal grand Hospital.

Ninkani oo sida ay eheladiisu sheegeen ka maqnaa 7 cisho ayaa la sheegay in xag maskaxda wax uga dhinaayeen, xaga ay warar kalena sheegayaan in uu goob Iclaaj ah oo lagu hayay uu ka soo baxsaday.

Waxana la sheegay in qoyskiisu ay deganaayeen xaafada Kilinka ee magaalada Hargaysa.

Ciidamada dabdamiska iyo dawlada hoose ayaa gurmad meeshaasi u tagay markii la soo sheegay.

Dadka goobta joogay ayaa noo sheegay in lagu war helay urta maydka oo ay dadku dareemeen.

Ilaa hada cidi kama ay hadlin arinkaasi marxuumka

Goobtaasi xabaalaha ayaa ah goob dayacan oo aanay dawlada hoose waxba ka qaban iyada oo mudo hore ay dadka xaafadu soo jeediyeen in dawladda hoose oo goobtaasi ka masuul ahi ay dayr u samayso si aan cidba u galin.

Waxana xabaalahaasi dhowr jeer lagu arkay dadka miyirka ay wax uga dhimanyihiin oo hoos gala dhirta faraha badan ee goobtaasi ka baxda