Olalihii Xakamaynta Tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta oo lagu soo Gabogabeeyay Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa soo gunaanaday ololaha Joojinta 16 maalmood Ee Tacadiyada Dadka Nugul.
Xafladdaas ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka mid ahaa Golaha wasiiradda Somaliland, qaar ka mid ahaa Guddoomiyayaasha hay-addaha Madaxa banaan ,Agaasimayaal Guud,hay-addaha Maxaliga ah iyo Hay-adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimahaas.
Agaasimayaasha Guud Ee Wasaraddaha Shaqogalinta iyo arrimaha Bulshada, Maamul wanaaga iyo xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland oo goobtaas hadalo kala duwan ka jeediyey ayaa waxay si wado jir ah uga waramay in wasarada shaqo qalinta iyo arrimaha Bulshada Somaliland ku howlanaayd dardargalinta shuruucda ka hortagga tacadiyada lagula kaco bulshada inteeda nugul ,iyagoo masuuliyiintaas uga mahadceliyey hay-addaha caalamiga ah dalka ka howlgala in ahmiyad gaar ah ay siiyeen la dagaalanka tacadiyadda loo geysto Bulshada inteeda nugul.
Dhinaca kale Qaar ka mid ahaa Guddoomiyayaasha ururka haweenka Now iyo Garabka haweenka Xisbul xaakmimka kulmiye,xubno ku hadlaayey hay-addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo halkaas hadalo kooban ka jeediyey ayaa tilmaamay sida ololahaas 16 ka cisho muhiimadda ay ugu leeyihiin Dadka nugul ee lagla kaco tacadiyadda ka dhanka ah xuquuqda Aadamaha.
Geesta kalena , Wasiir ku xigeenka wasaradda Maaliyadda Somaliland iyo masuuliyiin ka mid ahaa wasaraddaas shaqogalinta ayaa ka warbixiyey sidii looga hortagi lahaa tacadiyada loo geysto haweenka iyo dadka nugul.
Dhankoodana,wasiirka wasaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahim Axmed, wasiirka wasaradda xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland C/Naasir Muxumed Xassan (Buuni) iyo wasiirka wasaradda shaqogalinta iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cali cumar Maxamaed (Cali-xoor xoor) ayaa faahfaahin ka bixiyey sida Dastuurka Somaliland u damaanad qaadey tacadiyadda loogeysto dad nugul, iyagoo masuuliyiintaas xusey in ciidanka Booliska Somaliland ku guuleysteen in gacanta ku soo dhigaan dadka bulshada inteeda nugul kula kaca tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.