Qof kasta oo diida Aqoonsiga ay Israel siisay Jamhuuriyada Somaliland, waa Qof u adeegaya Cadawga Ummada reer Somaliland oo doonaya inay weligood ku jiraan Aqoonsi la’aan, waa Cadaw doonaya oo ku faraxsan in Maamulka Xasan Sheekh uu Cashuurta ka gurto qurbo-joogta iyo Maytida dalka debadiisa ku dhinta.

Cid kasta oo ka soo horjeesata halganka ay Xukuumada iyo Shacbiga reer Somaliland ugu jiraan inay Dunida Aqoonsi ka helaan waa Cadow u adeegaya Maamulka Xasan Sheekh iyo Cadawga ka xun inaynu noqono Qaran Aqoonsi buuxa dunida ka hela.

Jamhuuriyada Somaliland waa la Aqoonsaday, abaal ayaanan ugu haynaa Israel iyo cid kasta oo Jamhuuriyada Somaliland Aqoonsata.

Waxaynu nahay Ummad aaminsan Diinta Islaamka, mana jiro qof binu-aadam ah oo Diinteena inaga sheegan kara oo iska dhigi kara inuu Wakiil inooga yahay Allaha ina abuurtay.

Shacbiga Reer Somaliland waxaa ku waajib ah inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo isku dayda inay tashuush ku furto Guusha uu Dalkeenu gaadhay.

Kuwa maanta buuqa wadaa, waa kuwo is tusaya Soomaaliya iyo Cadawegeena si ay shilimo xaaraan ah uga helaan Cadawgeena, ujeedadooduna waxay tahay “ Na arkaay, na maqlaay” dhaqaale noo soo dira anagaa Somaliland buuq ka dhex istaadhaynee.

Ragna dhaqashuu kuugu dhabar jabay
Ragna dhuunuu kuu dhex joogaa

Jamhuuriyada Somaliland ha Guuleysato

Amb Kaysar