Saddex Qof oo ku Geeriyooday Shil Baabuur Duleedka Berbera
Hargeysa(Qaran news)-Alle ha u naxariistee maamulihii laanta Baanka Dhexe ee Somaliland ee magaalada Berbera Maxamed Aadan Xaashi,Ciid Aadan Naaleeye iyo oday Ismaaciil Daahir Kaahin (Xaliye) ayaa ku geeryooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Berbera.
Waxa shilkan ku dhaawacmay hal qof oo waqtigan lagu daweynaayo cisbitaalka magaalada Berbera,iyada oo maydka saddexdan marxuum la geeyay cisbitaalka degmada Berbera.
Mas’uuliyiinta gobolka Saaxil,kuwa degmada Berbera iyo shacabka magaalada ayaa tacsi u diray eheladii,qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen saddexdan marxuum,iyaga oo saddexdan marxuum ku tilmaamay kuwo bulshada gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera-ba qiimo weyn ku lahaa.
Dhankoodana Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka ee gobolka Saaxil oo ka hadlay shilkan ayaa sheegay in shilkan uu keenay laba gaadhi oo isku dhacay,iyaga oo intaas ku daray in sababtii keentay ay baadhayaan.