
Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Ambassador Bashir Goth, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ku biirto heshiiska Abraham Accords, haddii Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado. Hadalkan ayaa muujinaya istaraatiijiyad cad oo xukuumadda Somaliland ay ku doonayso aqoonsi caalami ah iyo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed ee heer caalami.
Safiirka ayaa hadalkan ka jeediyay dood ay soo qabanqaabiyay Machadka Cilmi-baadhista Siyaasadda Arrimaha Dibadda (Foreign Policy Research Institute FPRI), taas oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, oo diiradda lagu saaray mustaqbalka aqoonsiga Somaliland iyo saameynta uu ku yeelan karo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Intii ay socotay dooddu, wuxuu soo bandhigay aragti istaraatiiji ah oo ku salaysan xaqiiqada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Somaliland.
Bashir Goth ayaa sharaxay aragtida siyaasadeed ee Somaliland oo uu ku qeexay mid ku ku dhisan saddex tiir oo waaweyn: dimuqraadiyad iyo xasillooni, bulsho rayid ah oo xooggan, fursado amni iyo dhaqaale. Wuxuu tilmaamay in Somaliland ay leedahay nidaam dimuqraadi ah oo shaqeynaya, doorashooyin xor ah iyo oo awoodda la isugu wareejiyo si nabad ah, taas oo ka dhigaysa mid ka duwan dalalka kale ee gobolka, isla markaana ka hortagta isbeddellada xasillooni darrada iyo hoos u dhaca dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Somaliland ay diidday dalabyo uga yimid cadawga Maraykanka iyo saameynta quwadaha ka soo horjeeda danaha United States sida Shiinaha, isla markaana ay sii xoojisay xidhiidhka ay la leedahay Taiwan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay ku guuleysatay dhismaha amni iyo xasillooni iyada oo aan ku tiirsanayn gargaar dibadeed, isla markaana ay tahay lammaane lagu kalsoonaan karo oo u janjeedha reer Galbeedka.
Dhanka kale, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Ambassador Bashir Goth, wuxuu iftiimiyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, isagoo tilmaamay in juqraafi ahaan ay ku taallo meel muhiim u ah amniga badda iyo la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan agagaarka marin-biyoodka Bab el-Mandeb, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay ku taallo dekedda Berbera oo ah xarun casri ah oo soo jiidanaysa maalgashiga shisheeye.
Ugu dambayn, Bashir Goth ayaa sheegay in iskaashiga milatari iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland uu horey u jiray, isla markaana aqoonsigu uu sii xoojin doono xidhiidhadaas, isagoo furi doona fursado cusub oo dhinaca maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta ah. Wuxuu intaas ku daray in aqoonsiga Israel uu durba wax ka beddelay jawiga diblomaasiyadeed, isla markaana uu albaabada u furay ka-qaybgal caalami ah oo ballaadhan.





