Sawirkan kor kaaga muuqdaq waa Masjid Jaamac weyn ee ku yaala badhtamaha caasimada Somaliland ee Hargeisa misaajidkani oo ahaa misaajidkii ugu weynaa magaalada Hargeisa waxa burburisay oo diyaarado la dhacday dawladii Somalia ee lala midoobay maanta oo kale 1960-kii

Sida sawirkan kaaga muuqda waxa sidoo kale au dawladii xiligaasi ee Somalia ay ma wada duqaysay oo ay burburisay xarunta dawlada hoose ee Hargeisa iyada oo sidoo kale dhulka la sintay Tiyaatarkii magaalada oo gabi ahaanba dumay oo aan sawitkani kore ka muuqan.

Diyaaradihii ciidanka Cirka ee Somalia ee 1988kii waxa ay gabo ahaanba dumiyeen oo duqeeyeen magaalada Hargeisa oo ay diyaaradaha dagaalku ay ka kacayeen isla.markaasna ay duqaynayeen isla magaalada ay ka kacayaan.

Diyaaradaha dagaalka qaarkood waxa duuliye ka ahaa calooshooda u shaqaysyayaal ay dawladii Muqdisho ka soo kiraystay dalka South Africa kuwaasi oo xiligaasi gaystay xasuuq aad u badan.

Maalintaasi Misaajidka weyn ee Hargeysa ay dawladii Somaliya ay duqaynysay waxa ay diyaaradahu maalintaasi ku dileen dad shicib ah oo lagu qiyaasay 50 kun oo qof iyada oo burbutiyay Iskuuladii goobahii ganacsiga iyo meelo badan oo mihiim ahaa.

Guud ahaan Somaliland oo dhan dadka shicibka ah ee ku dhintay xasuuqii ay dawlada Somalia ee Muqdisho ay gaystay waxa ay kor u dhaafyaan 200 oo kun oo qof, iyada oo ilaa hada lalaayahay dad aad u tiro badan inkasta ol la helay xabaalo wadareedyo badan.

Markii dib loogu soo laabtay magaaladda Hargeysa oo gabi ahaanba dunsan may helin wax caawimo ah oo ku saabsan dib u dhiska magaalada Hargeisa iyo magaalooyinkankale toona xataa dalaka Islaamka ee maanta na dhaleecaynyaa kama ay qayb qaadan dib u dhiska hal misaajid oo ka mid ah misaajidadii ay dumisay dawladii Somalia ee ay soo siinayeen hubka iyo lacagtii la nagu xasuuqaayay.

Maanta Hargeisa oo ah caasimada Somaliland way dhisantay iyada oo aan beesha caalmka iyo dalalka Islaamka mifkoodna aanu ka qayb qaadan.

Waxa aan maanta booqday misaajidka weyn ee Misjid Jaamaca ee ku yaala badhtamaha magaaladda Hargeysa ee ay dawladii Somalia ay duqaysay waxa aad isu eegtaa labada sawir waxa sawirkan danbe kaaga muuqda sida loo dhisay misaajidka, xarunta Dawladda Hoose iyo Tiyaatarka oo.maanta ah xarun ganacsi oo aad u balaadhan.

La soco baraamijkani oo joogto noqon doona

Fadalan ka qayb qaata barnaamujkani oo qof walowba soo bandhig wixii aad haysid ee loo gaystay umadda