Subaxnimadii hore ee Axadda, December 8, 2024, Hay’at Taxriir al-Sham oo uu hoggaamiyo Axmed al-Sharaa, laguna naanayso Abu Muxammad al-Julani, ayaa ku dhawaaqay gacan ku haynta caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo afgambigii Madaxweyne Bashaar al.
Telefeshinka rasmiga ah ee dalka Suuriya ayaa baahiyay hadalkii ugu horreeyay ee mucaaradka Suuriya kadib markii ay gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, Bashaar Al-asadna uu u baxsaday
Halkee ayuu u baxsaday Bashaar Al-asad?
Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya ilo ku sugan aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in Bashaar Al-asad iyo qoyskiisa ay gaareen magaalada Moscow.
BBC-du way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso macluumaadkaan.
Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, subaxnimadii Axadda, in Bashaar Al-Asad uu dalka kaga baxay diyaarad, kuna sii jeeday meel aan la garanayn.
Ruushka, oo xulafo la ah Asad, ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay inuu “ka tagay” jagadiisii madaxweynenimo, uuna “ka tagay Suuriya”, ka dib markii uu wada xaajood la yeeshay “dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda,” isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin meesha uu ku wajahan yahay.
Warbixinadii ugu horeeyay ayaa tilmaamaya suurtagalnimada in Assad uu ku wajahan yahay Ruushka ama Imaaraadka Carabta, lagana yaabo in diyaaradii uu la socday ay burburto.
Maamulka ku meel gaadh ah
Maamulka ku meel gaarka ah
Isbaheysiga mucaaradka Suuriya, ee uu hoggaamiyo Hay’at Tahrir al-Sham, ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeynayaan sidii ay u sameyn lahaayeen gole maamul oo ku meel gaar ah oo leh awood fulineed oo buuxda, iyadoo ay qayb ka noqonayaan dadka Suuriya.
Isbahaysigu wuxuu intaa ku daray in ay ku haminayaan “in la dhiso iskaashi istaraatiijiyadeed oo gobolka iyo caalamka ah.”
Hoggaamiyaha Hay’at Taxriir al-Sham, Abu Muhammad al-Julani, ayaa ugu baaqay dagaalyahanadiisa subaxnimadii Axadda inaysan u dhowaan xarumaha dowladda, isagoo carabka ku adkeeyay inay sii wadayaan kormeerka ra’iisul wasaarihii hore ilaa “si rasmi ah looga wareejinayo.”
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Maxamed Ghazi Al-Jalali ayaa farriin la duubay subaxnimadii Axadda ku sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay “in ay la shaqeyso hoggaan kasta oo ay dadku doortaan.”
“Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno hoggaan kasta oo ay dadku doortaan, iyo inaan bixinno taageero kasta oo suurtagal ah si loo xaqiijiyo in si habsami leh oo nidaamsan loogu kala wareejiyo howlaha dowladda, iyo ilaalinta xarumaha dowlad goboleedyada”.