Shaqaalaha Saadaasha Hawada ee Gobollada Bari oo Tababar loogu xidhay Burco
Burco(Qaran news)-Hawl-wadeennada Saadaasha Hawada ee Gobollada Bariga Somaliland ayaa Tababbar Loogu Soo Gebogabeeyay Magaalada Burco.
Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa Tababbar loogu soo geba-gabeeyay hawl-wadeenada Saadaasha Hawada ee gobollada bariga Somaliland ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
Hawl-wadeennada saadaasha hawada ee gobollada iyo degmooyinka bariga dalka, ayaa Wasaaradda Horumarinta Beeruhu u qabatay Tababbar socday muddo ugu qabatay Magaalada Burco.
Tababbarkan ayaa hawl-wadeennada saadaasha Hawada lagu baray aqoon la xidhiidha la socodka cimilada iyo isbeddellada ku dhaca.
Tababbarkan waxa bixiyey Khuburrada Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee qaabilsan Saadaasha Hawada, waxaanu daba-socday Tababbar la mid ah oo hore Boorama loogu qabtay hawl-wadeennada saadaasha Hawada ee gobollada galbeedka Somaliland.