Shidaal jaban oo xukuumaddii Kulmiye ku hor taagan tahay badda iyadoo u dananaysa shirkado ay qayb ka tahay.
Waxaa badda Berbera taagan laba markab oo sida shidaal u raran ganacsato reer Somaliland kuwaas oo sida shidaal qiimaha aan ka jaban ku suuqa yaal ee ay keento shirkadda aan heshiiiskeeda golaha wakiiladdu JSL ansixin ee TRIFAGURA. Shidaalkan ayaa wasaaradda Ganacsiga u diiday in lagu shubo haamaha keydka ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Sababta loo cuskaday diidmadan ayaa ah in xaddiga maaddada SALFARTA ee ku jirtaa ay badan tahay 500 PPM oo heerka xukuumada u dhigtay dalka balse ay ugu dananayso shirkado ay iyadu qayb ka tahay. Baadhista shaybaadka shidaalkan oo aan mid ka mid ah aragnay ayaa heerka salfarta ku jirtaa ka yar tahay 1000 PPM. Labada markab oo mugga shidaalka ay sidaan isku noqonayo 7,800 Mt ayaa waxay kala yihiin.
1. MT JESSICA (Oil product tanker) oo sita calanka jasiirada Komoros oo lambarka tixraaciisu yahay IMO 9140853 / 620999046
Maraakaabtian ayaa maalin kasta oo ay badda ku sii nagadaan dhiigbax dhaqaale ku ah ganacsatada dalka. Dhanka kale, ummada reer Somaliland ee loo diidan yahay iney helaan shidaal jaban ayaa waxa dhiiga ka jaqay shirkada xukuumadu wadato maalin kasta oo maraakiibta shidaalka jaban sida badda lagu sii hayo.
Faro-gelinta iyo kootada loo xidho shaqsiyaad iyo shirkado xukuumada iyo madaxtooyada SL ay wadato ayaa keenay dhibaatooyin waawayn oo soo gaadhay ganacsiga xorta ahaa ee Somaliland
kuwaas oo qaarkood ay keeneen dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxay oo ganacsato shalay shaqo abuurayaal ahaa hada ay yihiin qaar dirays xidhan oo dagaal dhiig badani ku daatay ku jira.
Xisbiga Waddani wuxuu si adag u cambaaraynayaa bahalnimada iyo ma naxaanimada xukuumada hore ee talada haysa. Waxaanu dadka ugu baaqayaa iney ka dhiidhiyaan siyaasadaha cadawnimadu ka muuqato ee xukuumadii ay doorteen caadaystay xili ay ku jiraan sicir-barar, abbaaro, iyo qax baahsan.
Allaa Mahad leh
Xamse Cabdiraxmaan Khayre
Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska