Shir Lagu Gorfeeyay Amniga Somaliland oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Taliska Ciidanka guud ee booliska Somaliland ayaa lagu qabtay Shir ballaadhan oo lagu gorfeeyay Amniga guud ee dalka.

Kulankaasi waxa furay taliyaha Ciidanka booliska JSL, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Janogale), waxaana warbixino lagaga dhagaystay hoggaamada ,taliye qaybeedada iyo kuwa Saldhigyada .

Waxaan si qoto-dheer loogaga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidanka Boolisku dalka u hayaan.

Gaba-gabadii waxa laga soo saaray qodobo muhiima oo lagu xoojinaayo xaaladda Amni ee dalka.