Shir Saddex Geesood ah oo Saddex Wasaaradood ku Middaynayaan Adeegyo ay ka wada Shaqeeyaan

Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo wasaaradaha Maaliyadda iyo Cadaaladda oo maanta Shir Saddex Geesood ahi uga qabsoomay xarunta wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Shirkan Saddex Geesoodka ah oo ka Qabsoomay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay Gadhwadeen ka ahaayeen Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka Mudane Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed(Abdeeq) iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caddaaladda Mudane Ismaciil Saleebaan Maxamed oo ay Weheliyaan badi Agaasime Waaxeedada Wasaaradaha Gaadiidka, Wasaaradda Horumarinta Maaliyada iyo Caddaaladda ayaa Lagu Lafo Guray Sidii si wada Jir ah ay Iskula Jaanqaadi Lahaayeen Nidaamka Adeeg Bixinta ee Wasaaradahani u igman yihiin Iyada Oo Awooda La Saarayo Habsami U Socodka Shaqooyinka iyo Adeegyada Ay Bulshada U Hayaan.

Ugu Danbayntii kulanka Waxaa la isla Gartay in Kulamada Noocan oo kale ah La Joogteeyo Si Looga Gun Gaadho Midho Dhalka Hawlqabadka shaqada baaxadda leh ee wasaaradahani Qaranka u hayaan.