Dowladda Israel ayaa nidaamkeeda rasmiga ah ee ETA-IL (Electronic Travel Authorization) ku dartay magaca Somaliland liiska jinsiyadaha laga dooran karo marka la codsanayo oggolaanshaha safarka.
ETA-IL waa nidaam elektaroonig ah oo ay isticmaasho Israel si dadka ka imanaya dalalka u qalma ay u helaan oggolaansho safar ka hor inta aysan u safrin Israel.
Marka la galo nidaamka codsiga ETA-IL, liiska jinsiyadaha waxaa ka muuqda Somaliland iyo dalal kale oo caalami ah, taas oo ka dhigaysa Somaliland mid ka muuqata nidaamka socdaalka elektaroonigga ah ee Israel
Tani waxa ay tusaalo u tahay in ay diyaaradaha duulimaadyada ee dalka Israaβiil ay dhawaan duulimaadyo ka bilaabi doonaan Somaliland oo ay ku.xidhi doonto caalmka oo dhan, xiligani ayaa dalka waxa yimaada shirkafaha duulimaadyada ee Fly Dubai , Ethiopian Airlines iyo sidoo kale Daallo Airlines.
Source:
Israel ETA-IL Official Travel Authorization System
https://israel-entry.piba.gov.il/form/#/EligibilityNational?lang=en-GB





