Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya oo beenisay war laga faafiyay
Hargeysa(Qaran news)-Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa Beenisay War ay Baahisay BBC oo lagu sheegay diyaaradaha Itoobiya ay joojiyeen isticmaalka hawada Soomaaliya.
“Itoobiyaan Airline may joojinin duulimaadka hawada Soomaaliya, Maareeyahayagu ma odhanin Hawada Soomaaliya waa halis, BBC warka ay siidaysay waa been la leexiyay ” sidaas ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Ethiopia airlines.