๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Fadhigii 34-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 34-aad waxa ka mid ahaa:
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira lixda Gobol ee Dalka. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu si mug leh ugu Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha sida ay mar walba ugu dedaalaan dhiirrigelinta kulamada Ciyaaraha iyo is-dhexgalka Dhallinyarada, taasoo qayb weyn ka ah amniga iyo xasilloonida bulshada.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha September 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka taasoo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalahu waxa uu sheegay, iyada oo lala kaashanayo Hayโadda Caymiska Qaranka JSL, in la Caymin doono dhammaan Gaadiidka Dawladda.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac
oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddidu ay mudnaan gaar ah siinayso Dayactirka Ceelasha Biyaha iyo Qodista Ceelal cusub oo laga hirgelin doono Gobollada ay jirto xaalad biyo yaraan ahi.
Wasiir Sheekh Cabdullaahi-Baashe waxa uu Golaha u sheegay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada Bariga dalka uu Roobku ka da’ay, balse ay weli biyo yaraani ka jirto degaanno badan oo Bariga Dalka ah, gaar ahaan Bariga Gobolka Sanaag.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ-๐ค๐ฎ-๐ ๐๐ฅ๐ค๐-๐ ๐ฎ๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ (๐๐ข๐ฌ๐ ๐๐ง ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฏ๐๐ฅ-๐๐๐):
Waxa ka warbixiyey Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Mudane Fu’aad Axmed Nuux. Wasiirku waxa uu Golaha Wasiiradda siiyey warbixin qoto dheer oo la xidhiidha Hirgalinta Siyaasada Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy), kaasi oo Rakaabka u soo safraya Somaliland u suurto-galinaya in ay dal-ku-galka ka qaadan karaan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo Madaaradda kale ee Dalka JSL.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Siyaasadda cusub ee Xukuumaddu ay meesha ka saarayso Caqabadihii ay rakaabku kala kulmi jireen Dal-Ku-Galka ay diyaaraduhu waydiiyaan dadka Somaliland u soo dhoofaya.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in uu qoraal rasmi ah ugu gudbiyay Siyaasadda cusub dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Madaaradda Somaliland.
Ugu dambayntii, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa si cad u qeexay in shuruucda socdaalka ee ka soo baxa Hayโadda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee JSL ay yihiin kuwa ay diyaaraduhu ku maamuli doonaan ama ay waafajin doonaan qof kasta oo u soo safraya Somaliland.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐๐ข๐ซ-๐๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ฎ๐๐ซ๐ฒ ๐ข๐ฅ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ ๐๐๐๐-๐ค๐:
Waxa ka warbixisay Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi. Wasiirku waxa ay Golaha warbixin iyo muuqaal guud ka siisay Xaaladda Sicir-Bararka Dalka 8-dii bilood ee ina dhaafay, iyada oo la adeegsanayo Halbeegga Sicirka Badeecadaha iyo Adeega (Cunsumar Price Index) oo ay Wasaaradda Qorshayntu si joogto ah u soo saarto bil walba ayaa ah mid waafaqsan heerarka caalamiga ah xogtiisna sugan tahay.
Wasiirku waxa ay Golaha la wadaagtay heerarka iyo Boqollayda Sicir-Bararka, sida:
* Isbeddellada Sicir-Bararka guud,
* Cuntada gaar ahaan Khudaarta,
* Tamarta iyo Shidaalka,
* Sicir-Bararka Badeecadaha iyo Adeegyada,
* Sababaha ugu weyn ee Sicir-Bararka,
Haddaba, Qaran ahaan si wax looga qabto Sicir-Bararka, Wasiirku waxa ay soo jeedisay talooyinkan:
1. In kor loo qaado wax soo saarka dalka, si loo yareeyo ku tiirsanaanta cuntada dibadda,
2. Dib-u-habaynta Tamarta dalka iyo dhiirrigelinta Tamarta la cusboonaysiin karo,
3. Ilaalinta Siyaasadda Xasiloonida Qiimaha Lacagta iyo ka hortagga hoos u dhaca Shilinka Somaliland.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ซ๐ซ๐๐๐ข๐ข ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฆ๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle:
Wasiirradu waxa ay Golaha u sheegeen in safarradii shaqo ee uu M/weynuhu ku tagay Gabiley (6 &7 .09.2025) iyo Boorame (8 &9 .09.2025) ay guud ahaanba ahaayeen kuwo ku soo dhamaaday guulo la taaban karo, iyada oo bulshada ku nool gobolladaasi ay muujiyeen taageero ballaadhan iyo kalsooni ku qabaan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Labada Wadiir waxa ay Golaha u sheegeen in intii Madaxweynaha iyo wefgigiisu ay Safarrada Shaqo ku joogeen Gabiley iyo Boorame kulamo toos ah lala yeeshay Maamulka Gobollada, ka Degmooyinka, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madax-dhaqameedka Gobollada Gabiley iyo Awdal.
Dhinaca kale, intii uu Madaxweynuhu ku guda jirnay safarrada shaqo ee Gabiley iyo Boorame waxa uu dhagax-dhigay ama uu xadhiga ka jaray Mashaariic Horumarineed oo tiro badan (biyaha, caafimaadka, waxbarashada, ciyaaraha, kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka) oo muhiim u ah nolosha bulshada reer Gabiley iyo Boorama.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐๐๐๐ฒ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ-๐ ๐๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐ข๐ข ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Dr. Cumar Shucayb Maxamed.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Banka Qoolcaday uu ka mid yahay kaydadka dabiiciga ah ee ugu muhiimsan dalka, kaasoo faaโiidooyin badan u leh nolosha Xoolaha, bulshada, dhaqaalaha iyo deegaanka. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu Banka Qoolcaday u aragto mashruuc ku dayasho mudan oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loogana faaโiidaysto.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





