Sidee u dhacay dagaalka Fiqishini iyo Dhulbahante shalay?

Nin Fiqishini oo reer miyi ah isla markaana ka guuray aaga Adhicadeeye ayaa degey meel u dhow Jidbaale oo roob helay, waxaa u yimid nin Dhulbahante ah wuxuu yidhi: β€œhalkan ma degi kartid ee ka guur” is af dhaafkaas ayaa sababay in la dilo ninka Dhulbahante, ninka Fiqishini ee wax dilay aabihiis ayaa hore loogu dilay Madax lagu xoor bilo ka hor iyada oo dhulka uu deganaa loo diidan yahay.

Ka dib Ciidamo Dhulbahante ah ayaa duulay waxaanay weerareen rag meesha wax ka dhaceen ka fog oo geel la joogay isla markaasna oo hal qoys u badan waxaanay ku bilaabeen inay qoryo saaran tikniko la dhacaan raga Fiqishini ee goobtaas ku dhintay waxaa ku jira afar nin oo isku qoys ah oo kala ah: Dalab Yuusuf Cawad iyo Mukhtaar Yuusuf cawad oo walaalo ah, wiil uu Dalab dhalay iyo wiil ay Dalab iyo Mukhtaar abti u yihiin.