Siyaasada Turky ee ku wajahan Soomalia!
Turk Inti aanu dhicin inqilaabkii dalkaa, waxa uu Soomaalia ku wajahayay xaalad siyaasi oo istiraatiji ah, waxa uu qorshaysna in magaalo walba oo 50k oo qof ku noolyihiin in laga helo 1000 qof oo haysta mad-habta Xanifiyada, isla markaana xanbaarsan aragti Turky, taas waxa loo marayay Schools laga furay dalka iyo haayado samafal ah.
1000 qof ee dhalinyarada ah waxa la rabay in afka Turky ay yaqaaniin, ganacsiga laga caawiyo si ay xidhiidh ganacsi ula yeeshaan shirkadaha Turky, ganasigaasna sabab u noqdo in ganacsatada Soomaalida ay baraan Turky si Africa u galo wax so saarka Turkey.
Hal mar ayaa la rabay in la wada gaadho, aragti siyaasi ah, mad-hab diini, iyo suuqa ganasiga, waxa uu ahaa qorshe cajiib ah.
Inqilaabka kadib siyaasada Turky waxay isku badashay mid aan si ridnayn, aana saamayn karayn bulshada Soomaalida , waxa Ordogon kooxdiisa ay qaateen aragti ka so horjeeda kooxdi ay u tirinayeen inqilaabka.
Waxa Ordogon Kooxdiisa go, aamiyeen in Channels ka dawlada la maro , hoosna aan loogu degin bulshada Somalida , waxay dhiseen ciidan, waxayna xoojiyeen xidhiidhka DFS, taas ayaa keentay in maanta xidhiidhkoodu ku kooban yahay hayadaha dawlada, bulshada Soomaalida in badan aanay u arag dal wada dan Soomaaliyeed, ee u arkaan dal ku dul nool
Siyaasada hada waxa ku hagayo waxa laga dheehan karaa isla wayni iyo xog la, aan taas ayaana sabab u noqon doonta in goor ay noqotaba laga hor iman doono.
Mustafe Ducaysane





