Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Qadiyada Maxkamadeynta Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka ee Xukumada Muuse Biixi u xidhan

Keliya waxa loo horkeenayaa sida aan filayo waa Xabsi Xalaalayn ee maaha dhegaysi dacwadeed. Xeer Ilaalintu ma hayso dembiyo ay u hayso cadaymo oo Maxkamadda ay ku hor geyn karto waayo maxaabiistu iyaga ayaa dhibanyaal ah sidii ay warbixinta Guddida Xuquuqul Insaanka iyo haya’do kale iyo daneeyayaasha Somaliland ay qabaan. Hadaba Garsooruhu waxa laga yaabaa in la hayayaal uu xeer ilaalinta ka ogolaado. Markaa waxa loo hor keeno maxkamaddu waa xabsi xalaalayn oo wax dhamaaday muddadii rumaanka oo ahayd 7 maalmood in kasta oo ay xidhnaayeen muddo laba todobaad gaadhaysa. Sida ay ku socoto ka fursan mayso in xisbiyada mucaaridkuna ay sii wataan mudaaharaadadii salmiga ahaa Muuse-na kaga falceliyo xalka keliya uu garanayo oo ah XADHIG IYO XABBAD