Siyaasi Farxaan Adan Haybe ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga talada dalka haya ee Waddani.

Siyaasi Farxaan Adan Haybe oo xilal dhowr ahba ka soo qabtay xukumadihii hore ee Somaliland kuwasi oo lahaa heer wasiir.

Siyaasi Farxaan Adan Haybe waa shaqsi saamayn balaadhan ku leh dalka gaar ahaana caasimadda Somaliland ee Hargaysa iyo guud ahaan bariga gobolka Maroodijeex inaga oo odhan karna miyo magaalaba waa shaqsi deegaanka sumcad weyn ku dhex leh’ waana shaqsi aad ugu xidhan dhalinyarada iyo aqoonyahanka deegaanka dhamaantii oo aad looga qadariyo.

Dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa uu Facebook ku leeyahay ku baahiyay qoraal uu kaga hadlaayo kulankaasi maanta ayaa soo dhaweeyay siyaasi Farxaan Adan Haybe waxana uu qoraalkiisu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

Soo dhawoow, mudane!

Waxa aan maanta Xarunta 2-aad ee Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyey, mudane Farxaan Haybe, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista & Hawada JSL iyo guddoomiyhii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, ahna siyaasi weyn oo reer Somaliland ah, oo maanta si rasmi ah ugu soo biiray Xisbul Xaakimka WADDANI.

Xisbiga WADDANI dadka ayaa uu ururinayaa, cid walba wuu u baahan yahay!