Siyaasi Obama oo si Adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Dekedda Saylac

Hargeysa(Qaran 3) siyaasi Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ahaan jiray Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay damaca Itoobiya ee Dekedda Saylac.
Waxaanu sidaas ku sheegay qiraal dheer oo uu soo saaray oo u dhignaa sidan:
“Maaha sax in aad dadkaaga iyo dalkaagu is waydiiyaan kana doodaan isla markaana aad is bar bar dhigto Webiga Nile iyo Badda cas oo ah Hanti dalal iyo dad kale ay leeyihiin.

Dr Abiya Ahmed waxa uu diyaarsaday Ciidan badeed isagoon bad lahayn.

Waxa uu si badheedha uga hadlaa Badda Cas waxa u shalay is bar bar dhigay mar uu ka dhex hadlaayey baarlamanka dalkiisa Wabiga Nile oo dalkiisa mara iyo Badda Cas oo badiba ah bado ay leeyihiin Somalidu.
Waxay doodiisu salka ku haysay inay dadkiisa iyo dalkiisaba qasab ku tahay inay helaan BAD hadaladiisa waxaa ka mid ahaa waxaas oo BAD ah oo nagu xeeran ka qatanaan mayno.Waxa uu ku baaqay in si nabadgelyo ku jirto aynu uga wada hadalo inagoon ISLAYN isagoo la hadlaaya Africa.

Goobaha uu magacaabay waxaa ku jirtay Saylac oo ku taaal Somaliland oo uu ku tilmaamay magaalo taariikhi ah.

Waxaan qabaa DR Ahmed in aanu ka hadlayn Badda Eleteria ee uu isagu shalay ku celiyey waxase uu ka hadlayaa Badaha somalidu ay leeyihiin.

Waxaan Ahmed ugu jawaabi lahaa:

Caqli gal maaha in aad is bar bar bar dhigto biyo aad leedahay oo dalkaaga mara iyo biyo aanad lahayn oo aan dalkaaga marin oo dalal kale iyo dad kale leeyihiin.

Wabiga Nile dalkaaguu maraa dalal kalena wuu maraa waad ka hadli kartaa oo waa biyahaagii dalalka kale ee uu maraana waa ay ka hadli karaan oo iyagaba wuu maraa addunyaduna shuruuc Bay ka leedahay oo waxay noqon kartaa Hanti dawalado wada leeyihiin.

Maaha sax in aad dadkaaga iyo dalkaagu is waydiiyaan kana doodaan isla markaana aad is bar bar dhigto Webiga Nile iyo Badda cas oo ah Hanti dalal iyo dad kale ay leeyihiin.
Maaha sax inaad tiraahdo waxaa qasaba in aan bad helo adoo ku baaqaya waxaan diyaar u ahay inaan shares ka bixiyo Ilo dhaqaaleedyadaada sida Ethopin Airlinka.
Maaha sax inaad ciidan badeed iska samaysato adoon lahayn Bad.
Waan kula qabaa inaad u baahantahay inaad hesho bad badeeecadaagu kaaga soo degaan oo ku yimaado heshiisyo caalami ah sida kuwa DP WORLD la gashay Somaliland, Kuwa ay Djabuuti la gashay China iyo Maraykan Sida Kuwa Somaliya la gashay Turkiga IWM.

Ma qabo inaad u baahantahay Ciidan badeed taasi waxay ku tusaysaa inaad diyaar u tahay inaad xoog ku qabsato dalal aad is leedahay way daciifeen waxaanse qabaa inay taasi keeni karto inay ku midoobi doonaan fikradahaaga taasoo soo dedejin karta Soomali wayn oo ay hogaamin doonaan Somalida degan Ethopia ee aad adigu Xukunto.
Waxaan Qabaa Alshabaab inay ku abuurantay cadho ka dhalatay ciidanka Ethopia oo Gudaha u soo galay Somaliya
Mudane Ahmed BAD soomaliyeed ood soo gashaa waxay abuuri doontaa ciidankii abid ugu waynaa ee soomaliyeed oo dhisma.
Maaha sax inaad ku baaqdo aynu dawlad wayn noqon sida Ruushka oo kale adigoo uu jeeda inaad hantido Badaha Gacanka , Carbeed, Waxaase quman hadaad dawlad wayn ku riyoonayso isku biira Masar iyo Suudaan oo dano biyood wadaagtaan
Maaha sax inaad gar isa siiso ood dadkaaga dhegaha ugu rido inay qasab tahay inay bad helaaan Oo noqon karta kicin dad Wayne gelinna karta inay xoog ku doonaan waxanay lahayn taasoo dhalin karta colaado geeska oo joogta ah.
Waxaan Dr Abi kula talin lahaa Somali iyo Ethopia caqliyan iyo Cilmiyan way isku soo dhawaadeen for the past 30 years waxaa suulay oo meesha ka baxay cuqdadii isugu jirtay waxay u wada nool yihiin sidii shacab walaalo ah oon waxba kala lahayn hakala fogayn oo haku kala fogayn fikradahaaga bad qasab ku raadiska ah.
Waxaan kula qaatay dalkaagu iyo dadkaaguba inay u baahan yihiin dekedo ay isticmaalaan oo ay wax uga soo degaan maaha qaar aad yeelato sida aad ku riyoonayso, Taasna ku doon sida ay dawladahu wax uga doontaan dawaladaha kale.
Waxaan dawaladaha Somalida kula talin lahaa inay arrinkan badda ay ka midoobaan waxna iska waydiiyaan.
Waxaan Baarlamaanada Somalida kula talin lahaa inay ka doodaan fikradaha Dr Ahmed shacabkoodana dareensiiyaan Muhiimada ay inoo leedahay inaynu ku midawno ilaasashada badaheena.
Waxaan Xukumada Somliland kula talin lahaa in si badheedha uga wada hadlaan fikradaha ka guuxaaya Dr Ahmed ujeedadiisa, Hadalhaynta Saylac iyo Badahena. Shacabkana wax uga sheegaan oo aanay noqon wax huursan.
Waxaan Baarlamaanka Somaliland kula talinayaa inay ka hadlaan hadalhaynta Badda cas ee dr Ahmed sida uu isaguba uga dhex hadlaayo baarlamaankiisa.”