Hargeisa,(Qaran news)- Waxa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani siyaasi Cabdoo Axmed Aayir, oo ka mid ahaa xubnaha firfircoon xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya waxana uu xilal ka soo qabtay xukumaddii hore ee xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Cabdoo Axmed Aayir ayaa waxa ay isku deegaan ka soo wada jeedaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
Waxana aad hada u soo badanaaya oo xisbiga Waddani ku soo biiraaya siyaasiyiin, aqoonyahano iyo dhalinyaro badan oo markii hore taageetsanaan jiray xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ay isku deegaan ka soo jeedaan madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha kuwaasi oo u arka in xiligani uu xalka Somaliland uu ku jiro xisbiga WADDANI.
Soo dhawaynta maanta ay xisbiga Waddani ku soo dhawèeyeen ama qaabileen siyaasi Cabdoo Axmed Aayir waxa goob joog ka ahaa dhamaan madaxda sar sare ee xisbiga iyo musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi iyo taageeryaal badan oo la socday siyaasi Cabdoo Axmed Aayir