Warbixin caalami ah oo ay baahisay Horn Lens ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland maanta dunidu u aragto xarun istiraatiiji ah oo saamayn weyn ku yeelan karta loolanka macdanta iyo tamarta ee mustaqbalka caalamka. Warbixintu waxay tilmaantay in quwadaha waaweyn iyo guud ahaan waddamada caalamku ay hadda si weyn ugu baraarugeen kheyraadka uranium-ka ee Somaliland, kaas oo loo arko mid leh muhiimad dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo sare.
Sidoo kale, warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay waxa lagu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay keyd ballaadhan oo Uranium ah, kaas oo ah khayraad dihin oo aan weli la taaban. Waxa kale oo lagu sheegay in dhulka gubanka ah ee Somaliland uu hodan ku yahay macdantan qaaliga ah ee uranium, isla markaana ay inta badan taallo meel u dhow oogada sar ee dhulka, taasoo suuragelinaysa in si sahlan loo qodi karo marka loo eego meelaah kale ee hadda laga qodo.
Waxa kale oo warbixintu ay intaa ku dartay in quwadaha waaweyn ee caalamka sida Maraykanka iyo Midowga Yurub ay si weyn ugu tartamayaan helitaanka macdanta istiraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan uranium-ka oo muhiim u ah tamarta nukliyeerka iyo falceliyeyaasha nukliyeerka ee yaryar ee casriga ah (Small Modular Reactors – SMRs). Dalalkan ayaa la sheegay inay danaynayaan in ay Somaliland la galaan heshiisyo istiraatiiji ah, iyagoo tixgelinaya helitaanka sahay ammaan ah iyo degenaanshaha siyaasadeed ee Somaliland.
Warbixinta ayaa si qoto-dheer u sharraxday muhiimadda khayraadka Somaliland iyo sida uu u soo jiitay xiisaha quwadaha waaweyn ee caalamka, waxaana lagu yidhi “Somaliland ayaa si isa soo taraysa u noqotay meel istiraatiiji ah oo saameyn ku leh isu dheellitirka awoodaha waaweyn ee dunida. Xiligan Keydka uranium-ka ee Somaliland oo ah khayraad dihin oo aan weli la taaban ayaa soo jiitay indhaha quwadaha caalamka. Xili sahaydii uranium-ka ee laga heli jiray Badhtamaha Aasiya iyo gobolka Saaxil ay wajahayaan caqabado siyaasadeed iyo amni.”
Waxa kale oo ay intaasi raacisay “Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taalla goog istaraatiiji ah oo isku xidha Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa noqotay goob kulmisay xiisaha juqraafiyadeed iyo siyaasadda caalamiga ah. Xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland iyo goobteeda istiraatiijiga ah ayaa ka dhigay hadaf muhiim ah oo la xidhiidha tartanka tamarta adduunka. Maanta Dalal waaweyn, shirkadadaha caalamiga ah ee macdan qodista iyo khubarada cilmiga dhulka ayaa si dhow ula socda fursadaha ka jira Somaliland.”
Ahmed Saleebaan





