Musharaxa xisbiga Waddani Dr Abdirahman Mohamed Abdillahi  ayaa soo jeediyay in inta aan Somalia wax wada hadal ah lala galin ay marka hore tahay in Somaliland hesho xal siyaasadeed oo degan.

Isla markaasina Somaliland laga qabto doorashadii madaxweynaha oo wakhtigeedii dhaaftay, si loo helo Madaxweyne awood buuxda u leh in wada hadal la galli karo Somalia

Musharax Cirro oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku Leeyahay Twitter-ka ayaa xusay in marka hore ay haboontahay in Somaliland u baahanyahay wada hadal inta ayna dal kale la galling wada hadal.

Hore waxa iyana arintani u qaadacay in Somalia wada hadal lala galo gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe iysda oo ayna ku jirin xaalad siyaasadeed oo degan

Labada xisbi ee mucaaridka Somaliland ayaa 13kii November ku dhawaaqay in ayna aqoonsanayn xukuumadda Muuse Biixi, laga soo bilaabo 13 Nov. Oo uu dhamaaday mudo xileedkiisi waxana ay hore u sheegeen in aan xukumadiisu ayna cudna heshiis la gali karin kadib markii uu ku fashilmay in uu dalka ka qabto doorashadii madaxweynaha, taasi oo ay ku tilmaameen in mudo kordhinta uu hada kursiga uu ku fadhiyaa ay tahay mi baal marsan sharciga dalka u yaala