Warbixin caalami ah oo ay daabacday warbaahinta Streamline ee fadhigeedu yahay dalka Kiiniya ayaa lagu sheegay in Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, uu si rasmi ah uga qayb galay Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Athens Defense Summit, oo lagu qabtay dalka Giriigga. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka amniga caalamka, tiknoolajiyada casriga ah ee difaaca, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo xaaladaha amniga dunida ee sii kordhaya.
Sidoo kale, warbixinta Streamline ayaa tilmaantay in ka qaybgalka Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed ee shirkan caalamiga ah oo heerkiisu aad u sarreeyo ay tahay tallaabo cad oo muujinaysa isbeddelka istiraatiijiga ah iyo horumarka siyaasadda arrimaha dibadda ee ay gaadhay Somaliland. Sidoo kale warbixintu waxay arrintan ku tilmaantay hawl-gal diblomaasiyadeed oo si xeeladaysan loo qorsheeyay, iyadoo la filayo in tallaabadan ay ka dhalato go’aamo dib-u-qaabayn kara isbahaysiyada caalamiga ah.
Warbixintan oo Wargeyska DAWAN soo xigtay, sidoo kale waxa lagu sheegay: “Arrintani waa hawl-gal diblomaasiyadeed oo si xeeladaysan loo xisaabiyay. Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa Arbacadii ku biiray koox gaar ah oo ka kooban saraakiil ciidan, sirdoon iyo madax sare oo caalami ah, kuwaas oo ka qayb galay shirkii ugu horreeyay ee Athens Defense Summit ee dalka Giriigga. Kulankan heerka sare ah ayaa si weyn diiradda u saaray mustaqbalka amniga, tiknoolajiyada cusub ee difaaca iyo isbeddelada ku imanaya isbahaysiyada istiraatiijiga ah.”
Sida lagu sheegay warbixinta caalamiga ah ee warbaahinta Streamline, ka qaybgalka Safiirka Somaliland, Dr. Maxamed Xaaji, ee wada-hadallada amniga Yurub, xilli ay sii xoogaysanayaan isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, wuxuu muujinayaa dadaalada xooggan ee Somaliland ugu jirto kasbashada aqoonsi buuxa iyo kalsoonida beesha caalamka.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay dunida si cad ugu muujisay in aanay ahayn kaliya dal aqoonsi raadinaya, balse ay tahay tiir amni oo aan laga maarmi karin iyo lamaane dimuquraadi ah oo ku yaalla marin-badeed qalalaase badan, isla markaana halbowle u ah xasiloonida mid ka mid ah marinnada maraakiibta ganacsiga adduunka ee ugu mashquulka badan.
Sida ay sheegtay warbixintu, waxaa intaas dheer in isbedel muuqda oo si weyn looga dareemayo saaxadda siyaasadeed ee Nairobi iyo Addis Ababa, kaas oo ku salaysan korodh ballaadhan oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Somaliland, arrimahaasi oo ah kuwo si cad u tilmaamaya isbeddel weyn oo ku yimid isu dheellitirka awoodaha iyo siyaasadda gobolka.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in tan iyo 1991-kii, Somaliland ay ahayd dawlad dimuqraadi ah oo madax-bannaan, isla markaana leh lacagteeda gaarka ah, ciidamo amni iyo ciidamo milatari oo suga xuddaheeda, iyo doorashooyin dimuqraadi ah oo si joogto ah loo qabto. Isla markaana ka qaybgalka shirkan uu yahay guul weyn oo diblomaasiyadeed oo ballaadhan, taasoo u suurtagelinaysa Somaliland in ay si toos ah ula macaamisho wasaaradaha difaaca adduunka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee militariga.
Sidoo kale, falanqeeyayaasha militariga ayaa tilmaamayaan in Somaliland ay ka faa’iideysanayso fursaddeeda juqraafiyeed ee ugu sarreysa, sida lagu xusay warbixintan “Xeebaha Somaliland waxay ku teedsan yihiin Gacanka Cadan, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah kaas oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Joogitaanka Dr. Xaaji, oo ah Safiirka Somaliland ee Israa’iil, ayaa si cad u muujinaya dabeecadda casriga ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. La-hawlgalka qaybaha tignoolajiyada difaaca Israa’iil iyo talisyada militariga Yurub wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiijiyadeed oo ku wajahan waddamada caalamka ee aadka u daneynaya xulafo xasiloon oo ku yaalla Geeska Afrika.





