Warbaahinta ka soo baxda Qubrus ayaa baahisay in Somaliland ay u jeedisay Qubrus iyo Giriiga codsi ku saabsan in ay dib u eegaan xaaladda Somaliland, isla markaana ay ka fiirsadaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed ee labada dhinac. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Somaliland ay sii waddo dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah

Codsigan ayaa kusoo aadaya kadib dood siyaasadeed oo ka dhalatay arrimaha Qubrus, gaar ahaan kadib hadallo iyo qoraallo la xidhiidhay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Qubrus, taas oo keentay in Somaliland ay fursad u aragto sidii ay dunida ugu soo bandhigi lahayd aragtideeda ku saabsan qadiyadda aqoonsiga

Somaliland ayaa sheegtay in aqoonsigeedu uu abuuri karo fursado cusub oo dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga ah, iyadoo ku boorrisay Qubrus iyo Giriiga in ay si istiraatiiji ah u eegaan xaaladda Somaliland iyo doorkeeda gobolka Geeska Afrika.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Somaliland sii waddo ololaheeda caalamiga ah ee ku aaddan helitaanka aqoonsi rasmi ah, iyadoo raadinaysa taageero siyaasadeed oo ka timaadda dalal kala duwan oo caalamka ah.

Dhanka kale, Qubrus iyo Giriiga ayaa hore ugu dhowaa mowqifka Qaar Ka midaa Midowga Yurub ee taageeraya midnimadii dhimatay ee Soomaaliya

Siyaasaddu ma laha saaxiib joogto ah, balse waxay leedahay dano joogto ah.”

Haddii Somaliland ay hesho xiriir rasmi ah ama taageero siyaasadeed oo ka timaadda dalal Yurub ah sida Qubrus ama Giriiga, waxay noqon kartaa tallaabo muhiim u ah dadaalladeeda aqoonsi raadinta,

maadaama labada dal ay ku leeyihiin saameyn gudaha Midowga Yurub iyo siyaasadda Bariga Mediterranean-ka