Somaliland oo ka Jawaabtay Hadal ka soo Yeedhay Xasan Sheekh
Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Jamhuuriyadda ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay Xasan Sheekh oo ay ku tilmaantay inuu ku shaaciyay dagaal ka dhan ah Somaliland iyo Qarannimadeeda.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray safiirka wareega ee Somaliland, waxa Xukuumaddu ay caddaysay in aanay raaligelin ka bixinayn difaacida qarannimadeeda iyo jiritaankeeda ay dafirayso dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya.
Somaliland waxay ku dooday in aanay Soomaaliya marna aanay si sharci ah ula midoobin isla markaana aanay qayb ka ahayn, kana noqon doonin Soomaaliya.
Xukuumaddu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal 64 jir ah oo xudduudihiisuna waafaqsan yihiin heshiisyada caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.