Warbaahinta caalamiga ah ee The Jerusalem Post ayaa tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay noqotay meel istaraatiiji ah oo leh muhiimad sii kordheysa, taas oo ay sabab u yihiin goobteedda juqraafiyeed, xasilloonideeda siyaasadeed iyo muhiimadda ballaadhan ee dekedda Berbera oo ku taalla marin muhiim u ah ganacsiga iyo isku xidhka suuqyada caalamiga ah.

Warbixintu waxay xustay in Somaliland, tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991, ay dhistay hay’ado dowladeed, nidaam doorashooyin, ciidamo amni iyo hannaan maamul oo u gaar ah. Arrimahaas ayaa, sida lagu sheegay warbixinta ay Somaliland ku kasbatay taageerayaal caalami ah oo u arka in ay muujisay awood ay si amni iyo xasillooni ah ugu maamusho dhulkeeda, isla markaana ay dhistay nidaam siyaasadeed oo deggan marka loo eego xaalado badan oo ka jira gobolka.

Sida lagu sheegay warbixinta, oo Wargeyska Dawan soo xigtay dekedda Berbera waxay noqotay mid ka mid ah hantida ugu muhiimsan ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo soo jiidatay maalgashi caalami ah. Iyada oo maalgashiga ballaadhan ee ay ku samaysay shirkadda DP World uu kor u qaaday awoodda dekedda, tayada adeegyada ay bixiso iyo doorkeeda ganacsi ee gobolka.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Berbera ay muhiim u tahay Itoobiya oo ah dal aan lahayn xeeb, maadaama ay siin karto marin ganacsi oo isku xidha Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in goobta ay ku taallo ee Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ay ka dhigeen Somaliland meel muhiim u ah amniga maraakiibta iyo ilaalinta isu socodka ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in taageerayaasha caalamiga ah ee Somaliland ay aaminsan yihiin in aqoonsi buuxa oo ay hesho Somaliland uu noqon karo tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah. Warbixinta ayaa ku dooday in Somaliland ay leedahay astaamo badan oo dowladnimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhul ay si wax ku ool ah u maamusho, shacab leh aqoonsi siyaasadeed, hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, ciidamo amni oo ilaaliya xasilloonida, iyo doorashooyin xor ah iyo hannaan siyaasadeed oo u gaar ah.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay waddo dadaallo ay ku dhiseyso xidhiidho caalami ah oo kala duwan si ay u horumariso danahaheeda dhaqaale iyo amni. Sida lagu sheegay warbixinta Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka maalgashiga ku sameeyay dekedda Berbera, halka xidhiidhada cusub ee Somaliland la yeelatay dalal kale ay abuureen fursado muujinaya doorka ay Somaliland ka qaadan karto amniga Badda Cas iyo ganacsiga gobolka.

Ugu dambayn, warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in korodhka xiisaha caalamiga ah ee Geeska Afrika uu Somaliland siinayo fursad ay ku muujiso muhiimaddeeda istiraatiijiga ah. Sida lagu sheegay warbixinta muhiimadda Dekedda Berbera, xasilloonida maxaliga ah iyo goobta juqraafiyeed ayaa Somaliland ka dhigaya lamaane muhiim ah oo ka mid ah gobolka Geeska Afrika.