War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay weli ka go’an tahay fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo dhammaan dadka u baahan, oo ay ku jiraan bulshada ku nool Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay sheegtay in booqashooyinka saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ee goobaha xasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay tahay in lagu maro habraacyada diblomaasiyadeed ee jira.
Waxay intaas ku dartay in booqashooyinka noocaas ah loo baahan yahay in dowladda Somaliland horay loogu sii wargeliyo, lagala tashado, isla markaana lala sameeyo isku-duwid rasmi ah.
Somaliland waxay sheegtay inay qiimeyso xiriirka iyo iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Qaramada Midoobay, iyadoo xustay inay doonayso in wada-shaqayntaasi ay sii socoto.
Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay filayso in mustaqbalka si buuxda loo dhowro habraacyada diblomaasiyadeed iyo waddooyinka rasmiga ah ee isgaarsiinta.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Ku-simaha Madaxweynaha uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka bani’aadannimada George Conway.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.





