Somaliland Waxay Cagta Saartay Jidkii Awood Ku Dirirka Iyo Xukun Maroorsiga Africa Caanka Ku Ahayd.

Qore:- Nuuradiin Diini.

Soomaalilaan waxa ay ku jirtaa marxalad adag oo siyaasadeed, dhaqan, iyo dhaqaaleba, lana saadaalin karin meel uu ku dambaynaayo, sidii looga bixi lahaa aan la garanayn, waxa soo xidhmay albaabkasta oo lagu gaadho xal waara, waxa soo xidhmay dooniskasta oo ku salaysan isu tanaasul iyo is dhagaysi, waxa cagta la saaray jidkii awood ku dirirka iyo xukun maroorsiga ee Afriki caanka ku ahayd.

Hore waxa loogu jiray jaahwareer siyaasadeed “political confusion” iyo khilaaf qabiileed “clan conflict” waxa hadda ku soo biiray khilaaf sharci “constitution crisis”. Shaxda siyaasadu waa oodan, goolayaashii xalka keeni lahaana iyagaaba is haysta.

Barlamaankii dalku wuxuu ku shaqaynayaa toocsi qof, qof ah “individualism parliament, halkii uu ku shaqayn lahaa siyaasad xisbi iyo kooxo, siyaasadoodii waa kaligay aan doodo kaligay aan hadlo, sidaas haddii ay ku sii socdaana waa baabii golaha.

waxay u muuqataa in ay Soomaalilaan ka lumayso fursad in badan la soo dhisaayay.