Warbixin ay soo saartay warbaahinta caalamiga ah ee The Economist ayaa iftiimisay qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aaddan inay door muuqda ka qaadato sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Somaliland ay doonayso inay caalamka tusto muhiimaddeeda juqraafiyeed iyo istaraatiijiyadeeda wax ku oolka ah, iyadoo xoojinaysa doorkeeda amni, ganacsi iyo diblomaasiyadeed.
Sida lagu sheegay warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, Somaliland waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku dhow marinka Bab el-Mandeb, oo ah marin-biyood muhiim ah oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ay ka dhigaysaa Somaliland meel si gaar ah muhiim ugu ah amniga maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan xilli Badda Cas ay wajahayso khataro amni oo ka imanaya colaadaha Yemen iyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta.
Sidoo kale, warbixinta ayaa si weyn u ammaantay siyaasadda iyo hoggaaminta madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxaana lagu yidhi “Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waa hoggaamiye leh himilo siyaasadeed oo weyn. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo ah diblomaasi 68 jir ah, waxaa Bishii Diseembar 2024 loo dhaariyay madaxweynaha Somaliland, oo ah jamhuuriyad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991. Intii uu Cirro xilka hayey, Israel waxay 26-kii Diseembar 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee sidaas sameeya. Tallaabadaasi waxay Somaliland u ahayd horumar diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, kadib tobannaan sano oo ay raadineysay aqoonsi caalami ah.”
Warbixintu waxa kale oo ay intaasi raacisay “Adduunku wuxuu Somaliland iska indho-tirayay muddo 35 sano ah,” ayuu Cirro u sheegay The Economist. Hadalkani wuxuu muujinayaa himiladiisa ah in Somaliland aanay mar dambe noqon meel caalamku iska indho-tiro, balse ay hesho dareenka, tixgelinta iyo kaalinta istaraatiijiga ah ee ay mudan tahay, gaar ahaan marka la eego muhiimadda ay u leedahay amniga iyo xasilloonida gobolka.”
Sida lagu sheegay warbixinta The Economist, Somaliland waxay aaminsan tahay in goobta ay ku taallo ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo aan la iska indho-tiri karin, marka laga hadlayo Xeebteeda dheer, gaar ahaan magaalada Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed. Taas oo ay warbixintu xustay in ay Somaliland siinayso fursad ay door muuqda kaga qaadato amniga badda, ganacsiga iyo saadka gobolka. Xilli amniga Badda Cas uu noqday arrin caalami ah.
“Somaliland waxay doonaysaa inay isu muujiso qayb ka mid ah xalka sugidda amniga Badda Cas, iyadoo ka faa’iidaysanaysa juqraafiyaddeeda iyo xasilloonideeda. Haddii ay noqoto lamaane lagu kalsoonaan karo oo dhinacyada amniga badda iyo ganacsiga ah, taasi waxay kordhin kartaa miisaankeeda diblomaasiyadeed. Sidoo kale Dekedda Berbera oo ah mid ka mid ah hantida ugu muhiimsan ee Somaliland. Maalgashiga iyo horumarinta dekedda, oo ay qayb weyn ka tahay iskaashiga Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo DP World, ayaa Berbera ka dhigay xarun muhiim u ah ganacsiga iyo isku-xidhka gobolka iyo suuqyada ganacsiga Caalamiga ah. Taasina waxay Somaliland siinaysaa fursad ay isku hal mar kaga faa’iidaysato ganacsi, maalgashi, saadka iyo iskaashi amni,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta The Economist.





