“Waxa aan shaki kujirin in tallaabo dib loo qaaday.

WQ. Xildhibaan Axmed Wali oo ka tirsan golaha deegaanka Gabilay:-
Kadib markii Dowladii dhexe ee Somalia Burburtay, Odayaashii dhaqanka ee Reer Somaliland 1991, waxay ka bad baadiyeen in Gobolada Somaliland noqdaan Xero-dhiig iyo Kawaan laisku xasuuqo.
Waxay seeska u dhigeen Nabad iyo is cafin dhex martay Dadkii Waqooyiga Somalia ku noolaa, Waxay wada-jir ula soo laabteen Xoriyadii luntay ee ay Ingiriiska ka qaateen 26 June 1960.
Dagaal kasta oo sokeeye ama khatar kasta oo Somaliland Gudaheeda ka dhacda, Odayaasha Dhaqanku waxay ahaayeen kuwo damiya, ilaa Aakhirkii ay ku guulaysteen nabad waarta iyo Qaranimo seeska loo dhigay oo ka hanoqaada guud ahaan gayiga Somaliland.
Hadaba maanta waxay ahayd in Somaliland iyo Odayaasha Dhaqankeedu noqdaan Jaamacad laga barto Nabada iyo dib u heshiisiinta.
Waxase nasiib Darro ah 32 sano kadib in Odayaal dhaqan looga soo diray Muqdisho inay dhex-dhexaadin ka galaan , xaaladaha ka taagan Gobolka sool ee Gudaha Somaliland.
Waxa aan shiki kujirin in tallaabo dib loo qaaday.
May be an image of 1 person and text that says 'ERIGAVO PEACE CONFERENCE JULY -NOV -1993'