Hargeysa(Qaran news)-Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka guud ee beesha Habar Awal ayaa ku eedeeyay Wasiir Maxamwd Kaahin inuu ciidamadda RRU-da isagu geliyay deegaanka Buurta Gacan Libaax ee ay ku sugan yihiin inamada buurtaas galay.

Hadal dheer oo warbaahinta ay u jeediyeen Suldaan Xasan iyo madax dhaqameed kale oo reer Somaliland ah, ayuu ku eedeeyay xukuumadda xaaladda adag ee dalka ka jirta.

Suldaan Xasan hadalkiisii oo aanu soo qornay wuxuu u dhignaa sidan:-

“Maanta halkan waxaan u soo istaagnay oo bulshada u sheegaynaa inaan nabadgelyada buurta Gacan-libaax kow ka noqono, oo ergo islaameed ka noqono.
Waxaan maanta caddeynaynaa ragga buurta gacan-libaax galay waa innamadayadii aanu odeyaasha iyo salaadiinta u ahayn, oo badidoodu markii shirkii nabada Burco socday nala shaqeynayey, nabadana guntayey ee gacmahayaga ahaa.

Maanta waxaan aad uuga xunnahay xukuumada Somaliland oon caqli ku darin, oo ciidan geysay meeshii.

Buurtii ciidan geysay, halkii caqli laga gelin lahaa, halkii looga yeedhi lahaa odeyaasha, waxgaradka, goleyaasha, lana isweydiin lahaa maxay arrintani ku dhacday, ee la xallin lahaa waxii khilaafku ka dhacay, ayey geeyeen ciidammo RRU ah oo tiradoodu gaadhso laba boqol.
Sabtidii, 29 July, anniga iyo wefti salaadiin aan hoggaaminayo waxaan la kulanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaan ula tagnay kow inaan arrinka u soo tafo-xeydanay, annagoo salaadiinta Somaliland oo tiradoodu gaadhayso 21 ka wakiil ah.

Waxaan ula tagnay in xukuumaddu ciidamada ka soo saarto inamada buurta galay ee khilaafka dalku saamaysay, in dib loo soo celiyo ciidamada, si aanu uugu madaxbanaano hawsha, oon u tagno ulana soo xaajoono inamadayada, umaanu talo waayin, umaanu taag waayin, maadaama arrinku mid dhaqan yahay.

Wasiiirka dood badan ayaaanu yeelanay, aakhirkii waxuu nagu yidhi caawa Sideeda ayaan idiinku soo warcelinayaa. Laakiin wax war ah naguma soo celin wasiir Kaahin. Halkii aanu eegaynay in goobta ciidan looga baahnay ee caqli looga baahan yahay, laakiin isla maalintii dambe ciidan dambe ayuu geeyey oo goobtii ku waabariistay. Waa ciidankii shalay khasaarahu ka yimi.

Xaaladu hadday halkaa dhaafto waxaan uuga dignay in taladu faraha ka baxayso, in wadahadal laga galo, balaayo daaman la qabto ayey leedahay, dabo la qabto ma laha. Waa dad muwaadiniin ah, kacdoonku meel walba wuu ka dhacaa, arrintaa waxaanu doonaynay, imikana xukuumada uuga fadhinaa, in xukuumadu dib u soo celiso ciidankaa guryahooda, oo annagoo dhaqan ah uga madaxbanaanaano, waxaan diyaar u nahay inaan xaalada nabadgelyo ugu soo dhamayno, kana nixino cadowga jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan ogsoon nahay in dhamaan cadowga Somaliland ku farxeen arrinka halkaa ka bilaabmay, laakiin wada hadal ayeynu ku soo afjaraynaa, wax walba miiska wadahadalka ayey ku dhamaadaan. Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay hanaanka dimuqraadiyadeed iyo tabasho kastoo dhacda in wadahadal lagu dhameeyo, oo 32 sannadood ku soo caano-maalnay wada hadal.

Markaa waxaan uugu baaqanyaa dhinaca dhalinyarada gadooday ee buurta gacan-libaax gashay inaanay wax dhaqdhaqaaq samaynin, halkooda joogaan intaan tallada isku soo gaadhayno. Hadaanu salaadiintiini nahay waanu idiin imannaynaa, waanu soo baxaynaa Idam Alle.

Xukuumada waxaan u soo jeedinaynaa marlabaad iyo mar saddexaad maadama codsigii horena idiin keenay waa inaad si dhakso ah ciidanka uuga soo celisaan. Salaadiintii Boorama iyo Burco waanu sugeynaa, waxaan diyaar u nahay nabada, ilaahay SW ayaan uga mahadcelinaynaa nabadii hore ee Burco noo dhameeyey.
Waxaan warbaahinta iyo bulshada isticmaasha baraha bulshada ka dalbanayaa hadaan salaadiintii nahay uuguna duceynayaa inay nabada iyo adkeynteeda dhiirigelinyaan.

Waxaan ka codsanaynaa inay joojiyaan wax kasta oo colaada hurinaya. Dadka maanta xumaanta ka shaqeynaya warbaahinta iyo baraha bulshada ee meel walba taagan waxii maanta xumaanta Somaliland ku wada Ilaahay SW ayaa nagaga filan, bulshadu dhamana nabada adkeynteeda ha u hawlgasho. Xaajada khilaafka keentay iyo duruufaha siyaasadeed ee dalka ka taagan wadahadal ayaan ku dhamaynaynaa.”