Suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo xiligan uu ka socdo dib u dhis balaadhani ayaanu saaka booqanay si aanu u ogaano waxa uu shalay galab Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray.
Waxa yaab iyo amakaag nagu noqtay in aanu aragnay suuqa oo qabyo ah oo aan la dhamaystirin walina qabyo ah .
Sideedaba waxa xadhiga laga jaraa marka ay shirkada wax dhosaysaa ay ka faraxalato ee ay soo wareejiso dhamaan furayaasha ee shirkadana la siiyo wixii lacag u hadhsan.
Suuqa Waaheen waxa ay u eegtahay in si miyir qabta xadhiga looga jari doono marka ay shirkada ku jirtaa ay dhamaystirto dhamaan dhismayaasha oo dhan.