Ilaahay swt ha unaxaristo
Marxuum Siciid Maxamuud Siciid Gahayr hooyadii waa Hodan Cabdi Cilmi, aabbihiina waa Maxamuud Gahayr Warfaa ‘Kabadheere”.
Waxa uu ku dhashay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa 27/7/1986. wuxuu waxbarashadiisa malcaamadeed ka bilaabay 1992-kii Camp Abokor oo ku taalla Bariga Itoobiya, ahaydna goob dad badan oo ka barabaxay magaalada Hargaysa qaxoontinimo ku tageen 1988-kii markii dagaaladu ka qarxeen gudaha dalka, waxaanu isla Kam Abokor ku bilaabay wax barashadiisa Dugsiga Hoose Sanadkii 1993kii, kadibna wuxuu u soo wareegay Hargaysa 1997kii, isla sanadkaa waxa uu ku biiray Dugisga Hoose/Dhexe ee Sh Cali Cismaan (Ex Reece) halkaas oo uu dhamaystiray aqoontii dugsiga dhexe sanadkii 2001,
Waxbarashada dugsiga sare waxa uu Siciid ku dhamaystay dugsiga sare ee
Maxamuud Axmed Cali oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2005 isaga oo markiiba masuul ka noqday maktbadda wax akhriska ee iskuulkaas, kana mid ahaa ardaydii u sarraysay dugsigiisa sannadkaas 2005.
2006 waxa uu Waxbarasho Utagay dalka Pakistan oo kasoo bartay Human Resource Management
Sanadkii 2007 wuxuu ka mid noqday Macalimiinta Dugsiyada sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Gaandi waxa uu isla xilligaas xoog-haye guud ka noqday, ururka ilaalinta deegaanka soomaaliland (Somaliland Environmental Protection Organization) oo loo soo gaabiyo SEPO badhtamihii 2007, waxa uu safar waxbarasho ku tagay dalka Pakistan, Waxa uu Pakistan ka bartay Diploma ah Human Resource Management,2008 waxa uu kusoo laabtay Somaliland, Jaamacada Hargaysa ayuu Degree Business Administration ka diyaariyay, gaar ahaan management, isaga oo Jaamacadda Hargeysa dhammeeyay sannadka 2011-ka.
Ka sekow Siciid Maxamuud Gahayr waa Abwaan curiyay maansooyin kala duwan, waxa uu curinta Gabayga ka dhaxlay Aabbihii oo abwaan ahaa iyo Hooyadii oo alifta maansada, waxaana la odhan karaa “wuxuu ku abtirsadaa qoys ab iyo isir ku leh suugaanata curinteeda”. Siciid markii koowaad ee uu allifay maanso waxa ay ahayd sanadkii 2001-da, suugaantiisuna waxa ay hanaqaadka u ballaadhan samaysay sanadkii 2005, sanadahan u dambeeyay ee 2007, 2008, iyo 2009-na, waxa uu Siciid kaalmaha hore ee koowaad iyo labaadba ka galay tartan suugaaneedyo lagu qabtay Hargeysa iyo Pakistan.
Sidoo kale Siciid waxa uu ahaa macallin wax ka soo dhigi jirey dugsiyada sare ee Hargeysa, isaga oo wax ka dhigay Gaandi, Al-Jazeera, Salaama, British,, Caalami, Nuuradiin, Maxamuud Axmed Cali, Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf (Ex Gacan-Libaax),iyo National oo dhamaantood ah dugsiyo sare oo ku yaalla Hargeysa. Siciid waxa uu ku noola magaalada Hargeysa, waxaanu leeyahay hal xaas oo ah Marwo Muuna Cabdi Suldaan Yuusuf Suldaan XirsiQani.
Buugaagta uu abwaanku qoray waxa ka mid ah Quraanka, Hal-diiq oo ku saabsan maansada Macallin Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) Sayniska iyo Samo-talis “Talo-nabadeedka iyo Taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe”.
Xigasho:-Buugga uu abwaanku qoray ee “CULUUMTA MAANSADA” oo aan akhriyey wakhti hore
Alle ha unaxariisto abwaanka oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday samir iyo imaana Alle ha ka siiyo dhamaan qoyskiisa,asxaabtiisiiba.
Ciise Jaamac