Tacsi :-

Tacsi uu diraayo Telyihii Hore ee Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi “Jano-Gale”……

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii , Ehelkii, Mujaahidiinta SNM ee uu kamid ka ahaa, Ciidanka Booliska JSL iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timaaday Korneyl Maxamuud Maxamed Baalcade ( Salaxan) oo maanta ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Marxuum Salaxan , waxa uu ahaa halgamaa qaran oo door muhiim ah ka qaatay halgankii lagu xoreeyay dalka, sidoo kalena door muuqda ka soo qaatay dhismaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qaranka Jamhuuriyadda Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin.