Iiraan ayaa ka digtay in howlgallada ka dhanka ah maraakiibta sharci darrada ah aan lagu koobin doonin marin biyoodka Hormuz, iyagoo ku adkeysanaya in maraakiibta isticmaalaya waddooyinka aan la ogolayn la dabagali doono oo tallaabo laga qaadi doono meel kasta oo gobolka ka mid ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa lagu sheegay in markab kasta oo mara waddo aan loo ogolayn oo Iiraana la kormeeri doono oo tallaabo laga qaadi doono si aan shaki lahayn.

Iiraan waxay ku adkeysaneysaa in dhammaan maraakiibta ay tahay inay isticmaalaan marin biyoodyo loo qoondeeyay si ay uga gudbaan marin biyoodka Hormuz.

Bayaanka ayaa yimid iyadoo ay jiraan warar sheegaya in qaar ka mid ah maraakiibta xamuulka qaada iyo booyadaha shidaalka ay bilaabeen isticmaalka waddooyin kale oo la sameeyay toddobaadyadii la soo dhaafay si looga fogaado cunaqabataynta ay soo rogtay Tehran.

Dhanka kale, Iiraan waxay sheegtay inaysan furi doonin marin biyoodka Hormuz ilaa iyo inta uu Mareykanku uu sii wado waxa uu ugu yeeray xayiraadda badda ee ka dhanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa ku adkeystay in marin biyoodkan muhiimka ah ee caalamiga ah ee gaadiidka saliidda uu furan yahay oo ammaan yahay, isagoo xusay in xaddiga saliidda ee ka gudbaya marinka uu kordhay marka la barbar dhigo xilligii ka horreeyay dhibaatada Iiraan.

Bbc somali