Toogasho kale oo Khasaare dhalisay oo ka Dhacay Maraykanka
Washington(Qaran news)- 9 qof ayaa toogasho lagu dhaawacay caasimadda Maraykanka ee Washington sida ay booliska caasimadu ku sheegeen bogooda Tiwitarka. Dadka toogashada lagu dhaawacay waxa ku jira wiil 9 sanno jir ah iyo mid 17 jir ah kuwaasi oo lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.
Nin dhar madow xidhan oo baabuur wata ayaa goob xafladdi ka socotay soo galay markaas ayuu rasaas oodda kaga qaaday, sidaasina ayuu shilkaasi ku dhacay. Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday toogashada ayaa sheegay inay u muuqatay mid bartilmaameedkiisu ahaa dadka goobta joogay.
Ilaa hadda ma cadda in toogashadu ay ahayd nin keliya iyo inay kuwa kale kula jireen, hasayeeshee booliska ayaa sheegay in aanay weli gacanta ku soo dhigin ninkii toogashada geystay. Toogasho wadareedan ayaa ka mid ah toogashooyin dhaca wakhtiyada fasaxyada.